Soomaaliya iyo furitaanka cayaaraha Olambikada London 2012

Magaalada London iyo guud ahaan Great Britian xaleyto waxay u aheyd habeen taariikhi ah ,waayo waxaa si rasmi ah uga furmey oo ay ku martigaliyeen dalkooda cayaarihii Olambikada Aduunka 2012, si qurux badan ayay u soo abaabuleen gudiga qabanqaabada cayaaraha London 2012, waxay soo bandhigeen waxyaabo aan hore loo arag oo casri ah, kuwaasoo isugu jirey taariikho,heeso, madadaalo iyo dhoolatusyo kale duwan.

Waxaana ka soo qayb galey Boqorada Ingiriiska iyo qoyskeeda, Dowlada dalkaan iyo madax kale oo ka socotey dhamaan caalamka ayna wehliyaan madaxda isboortiga aduunka oo u hogaaminaayo Gudoomiyaha IOC, ciyaartooy fara badan oo caan ah, fanaaniin, dad si gaar ah loogu casumey xaflada furitaanka cayaaraha.

Kadibna waxaa biloowdey socodkii ay ku soo marayeen garoonka ciyaartooyda dalalka ka qayb galaya tartanka, kuwaasoo gaarayay 205 Dowladood, dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ka qayb galaya cayaaraha Olambikada London 2012 ayaa ka soo dhex muuqdey shaashada garoonka laga daawanayay caalamka oo dhan ,iyadoo oo ay calanka u sido ciyaaryahanada la yiraahdo Zamzam,ayna wehliyaan Halyeey Cabdi Bile,Macalin Baarajab, Ciyaaryahan Maxamed,Garsoore Xasan Wiish iyo labo qof oo kale.

Run ahaantiii qof kasto oo Soomaali ah oo jecel wadankiisa wuxuu u arkayay ka soo dhex muuqashada furitaanka cayaaraha Olambikada London 2012 dalkooda guul taariikhi ah, marka la eego xaalada uu dalkeena ku sugan yahey iyo isbadalka cusub ay sanadkaan kaga soo qayb galeen cayaaraha,waayo keenista London xidiga dalka Soomaaliya Cabdi Bile iyo macalin Cumar Cabdulqaadir Baarajab, dadka isboortiga Soomaaliyeed ee dhaliilsanaa qaabka GOS ku shaqeyso,waxay u arkayeen yididiilo cusub iyo isbadal biloow ah, hasa yeeshee waxaa dareen weyn iyo dhiilo cusub abuurtey markii sidii looga sugayay inuu calanka wado Halyeey Cabdi Bile la arkey isagoo dhex lugeynaayo garoonka.

Waxaan qadka telefoonka ku wada hadalney Gudoomiye Duraan Axmed Faarax iyo Macalin Cumar Baarajab, ka hor iyo kadib furitaanka cayaaraha London 2012, si aan wax uga ogaado sababta calanka uu u qaadi waayay halyeey Cabdi Bile, madaama ay hore u shaaciyeen GOS inuu qaadayo sanadkaan calanka dalka Soomaaliya furitaanka cayaaraha Olambikada 2012.

waxay iisheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb galaan dalka Soomaaliya cayaaraha Olambikada,kana xun yihiin in markii hore qorshihii ahaa inuu calanka dalka Soomaaliya qaado Halyeey Cabdi Bile ay wax badashey sharci ay ka soo saartey IOC, sharcigaas oo dhigaya inuu calanka wadamada ka qayb galaya cayaaraha Olambikada London 2012 ay qaadi karaan ciyaartooy ka mid ah kuwa baratamaya cayaaraha Olambikada,sidaa daraadeedna qorshaheenii ahaa inuu halyeeyga calanka noo qaadi ay ka hor timid go’ankaan cusub, arinkaasna inay jirto waxaan ku soo baraarugney mar aan waxbo laga qaban karin oo aan hore u shaacinay qorshaheenii hore, runtii walaac weyn ayay nagu abuurtey,qasabna wey nagu noqotey inaan aqbalno go’aanka IOC.

Waxaan kaa codsaneynaa inaad dadka naga gaarsiiso in cilad farsamo ay ku dhacdey balse aysan aheyn wax aan ku talagal u sameyney waayo Cabdi Bile anagaa ku casunay cayaaraha London 2012, wuuna ku qancey wixii meesha aan kale kulaney,waadna aragteen inuu la socdey kooxda Soomaaliya mataleysay ee meesha martey, runtiina aad ayuu ugu faraxsan yahey Halyeey Cabdi Bile inuu dhiirigaliyo ciyaartooyda wiilka iyo gabadha dalka Soomaaliya uga qayb galaya cayaaraha Olambikada London 2012 ayay igu yiraahdeen.

Hadaan wax ka iraahdo qaladka dhaceyne wuxuu ahaa inaysan ku soo talagalin in wax laga badaley qaabkii hore ay yaqaaneen iyo iyadoo aysan si fiican isaga aqriyin sharciyada ka qayb galayaasha London 2012 looga baahnaa, markii dambane xaaladu waxay ku soo biyo shubatey Cabdina ku qancey ku qabatey iyo qadar allah waa la qataa in laga qayb galo cayaaraha gabdhana qaado calanka.

Docda kale tartanka xalayto sida rasmiga loo furey dalka Soomaaliya ciyaaryahanada kale Maxamed iyo Zamzam ayaa la filayaa inay oradka 400m iyo 1500m kula baratamaan wadamada ka qayb galaya, waxaana u rajeynayaa guul wacan

 

W/D: Yusuf Yusuf | sspamedia.com | mrsomalia@hotmail.com | London 2012

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.