London waa meel qabow badan,walaahi haweenka ka socda wadamada kale haddii aad aragto ,laakiin dhul dowlad leh ayay ka yimaadeen, laakiin aniga wax cabsi ah ima galin ,ee noosoo duceeyo, Erayadaas waxaa mar aan la sheekeystay igu dhahday Zamzam Maxamed Faarax oo ah gabadha Soomaaliya Sanadkaan kaga qeyb galaysa Orodka 400 oo Miter ee lagu qabanayo magaalada London.
Sidoo kale Zamzam ayaa sheegtay markii ay tagtay magaalada London ay la kulantay soo dhaweyn aad u wanaagsan,iyadoo dib usoo xasuusatay Dalkeedii hooyo ee Soomaaliya oo ay sanadkaan matalayso.
Waxayse cadeysay inay rajadeeda ay tahay inay guul usoo hoyso dalka Soomaaliya.
Cimilada Dalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu wanaagsan wadamada Dunida,hadaba Zamzam ayaa ka sheekeynaysa isbadalada Dhanka Cimilada ay la kulmeen,iyadoo sheegtay in cimilada wadanka hada ay ku sugan tahay uu yahay mid aad u qaboow.
Zamzam Maxamed Faarax ayaa ka sheekeynayso markii ay aragtay heween ka socda wadamo kale iyo waxa ku dhashay ama ay dareentay.
Waxa ay sheegtay in haweenka ka yimaada wadamada kale ay yihiin kuwa ka yimid wadamo Nabad ah islamarkaana maskaxdooda ay nadiif tahay balse Zamzam ayaa rajo wanaagsan muujisay inay guul soo hoynaysa.
Maxamed Xasan Maxamed waa wiilka Soomaaliya kaga qeyb galaya Orodka 1500 oo Miter ,wuxuu sheegay in tababaro ay ku qaateen magaalada London markii ay gaareen kadib.
Maxamed Xasan wuxuu tartami doonaa maalinta Khamiista ee soo socota waxaana kaga waramay waxa uu rajaynayo,isaga oo sheegay in niyadiisa uu ku hayo inuu guul soo hooyo.
Inkastoo aan la ogeyn waqtiga ay ordi doonto Zamzam Maxamed Faarax haddana wararka qaar ayaa sheegaya in maalinta khamiista oo ku beegan 3 Agoosto ay ordi doonto, Waxayna Zamzam iyo Maxamed ay Soomaalida ka codsadeen inay niyada dajiyaan una soo duceeyaan si ay usoo hooyaan Guul.
![]() |
Socialize