Gaas oo reer Galbeedka weeraray

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si kulul u weeraray Dowladaha Reer Galbeedka, oo iyagu sheegay inay la-dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladaha Reer Galbeedka ay dal-dalasho iyo xaalufin xooganba ay ku hayaan badaha Soomaaliya.

Raa’isal Wasaaraha ayaa sheegay in sanadkiiba ay malaayiin Dollarka Maraykanka ah ay ka helaan buu yiri Kheyraadkeena, isla-markaana wuxuu sheegay in arintaasi ay tahay mid Sharci daro ah.

Mar Raa’isal Wasaare Gaas la-weydiiyay in arintaan uu ugu hiilinaayo kooxaha burcad badeeda ee Somalida, ayaa wuxuu sheegay in burcad badeedu ay yihiin kuwo dambiilayaal ah, waayo buu yiri waa qaadicul dariiq.

Sidoo kale Mudane C/Wali Gaas ayaa wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka kala xisaabtami doonaan, boobka iyo xaalufinta lagu haayo Kheyraadka badaha Soomaaliya, maadaama uu sheegay in si weyn loo-guranaayo.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabada ammaanka iyo xasilinta dalka uu qeyb ka yahay ammaanka badaha, isagoo intaasi ku daray in amuurtaasi ay goor dhaw soo shaac bixi doono.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login