Xaafada Acton Valle oo ku taal galbeedka magaalada London,waxaa shaleyto lagu qabtey kulan looga hadlaayay turxaan bixinta Xiriirka Kubadda Koleyga iyo isboortiga Soomaaliya ,kulankaasi wuxuu si toos ah u dhaxmarayay oo ayna soo abaabuleen bahda kubadda koleyga degan magaalada London iyo Maamulka Gudiga Olambikada Soomaaliyeed,islamarkaana waxaa goob jooge ka ahaa wada hadalada oo lagu casumey shabakada Turxaanbixinta ee SSPAMEDIA.
Kulankan oo ku biloowdey jawi aad u wanaagsan ayaa islamarkiiba looga hadley waxyaabo badan oo u badnaa qalad badan oo hore u soo dhacey, kuwaasoo ay kale tirsanayeen labada dhinac, run ahaantiina wuxuu ahaa wada hadalo meelo badan diirada lagu saarayay, oo mararka qaar is dhihi karto meeshaan caawa waa lagu kale dareeri doonaa, sababtuna waxay aheyd wax la isku qarinayay ma jirin, qof kastana wuxuu sheegayay wuxuu qabo iyo qofka uu u tirinaayo qaladkaas.
Bahda Basket-ka London iyo GOS oo figrado kale duwan kale qabay islamarkaana kale taagnaa wabiga labadiisa jiin,islamarkaana aad moodo inay jiraan ama soo jireen unugyo dhexdooda ka kaluumeysanaayey, kuwaasoo ujeedadooda aheyd inay sii kale fogayeen, ayaa ugu dambeyntii markii 5 saacadood oo dood ah, oo is eedeyn ah, is daaificid ah iyo tuhuno fara badan laga hadley ayaa loo soo degtey in qoloba ka soo durugto halkii markii hore ay taagnaayeen,madaama ay qola kasto iska saartey wixii ay midba midka kale ugu heystey caloosha, waa la kale nafisey.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isla qaateyne waxay ahaayeen:
In qaladaadka jira la saxo, in isboortiga cid walbo gacan ka geysato, In la joojiyo dacaayadaha la isku marinaayo Telefi4-shinada, in la is tixgaliyo dhamaan, in kuwa dadka kale fogeynaayo warxumo tashiilka in la iska qabto, in la wada xiriiro oo laga wada shaqeeyo sidii dhalinyarada isboortiga Soomaaliyeed la aruurin lahaa islamarkaana loogu diyaarin lahaa inay Qaranka u dheelaan mustaqbalka.
In wada hadalada iyo is fahamka meeshooda laga sii wado,hada kadibna xaley dhaley laga noqdo wixii xumaan iyo is lugooyn ah ee laga shaqeeyay, qalbiga la isku furo si isboortiga loo horumariyo, dadka kale aanan caawa fursadaan oo kale helin in la raadiyo meel kasto ay joogaan, in la is hor fariisto.
Waxaa kale lagu balamey oo figrad wanaagsan oo la soo jeediyay loo arkey in laga soo shaqeeyo in loo qabto dhamaan bahweynta isboortiga isboortiga meel kasto ay joogaan shirweyne guud oo looga hadli doono horumarinta isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socdo, islamarkaana lagu dajiyo qorsho sanadeedka 5 sano ee socoto.
In qofkii rabo inuu isboortiga wax u qabto dalka dib ugu soo noqdo meel kastana isboortiga la gaarsiiyo oo Soomaali ku nooshahey.
In qofkii rabo inuu ka mid noqdo maamulka isboortiga dalka uu ka soo qayb galo doorashada soo socoto hadii Eebe idmo.
Gabagabadiina waxaa iyadoo la isku faraxsan yahey lagu wadu duceystey goobta xaflada ka socotey la iskuna gacan qaadey, xabadka la isa saarey iyadoo sawir muujinaya guusha wada hadaladana la isaga qaadey goobta shirka lagu qabtey.Waxaana si gaar ah loogu mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay wada hadalada iyo goobta shirka lagu qabtey iyo afurka wanaagsanba.
Docda kale hadaan wax yar ka hadlo dhacdadaan,waxay aheyd mid taariikhi ah oo goob joog ka ahaayeen madaxda GOS dhamaan iyo bahda kubadda koleyga reer London, kuwaasoo isugu jirey ciyaartooydii hore iyo macalimiintii hore (kana daalaco sawirka dadka shirkaan ka qayb galey),kuwaasoo si wanaagsan iskula doodey, iskuna tusaaleeyay in khilaafka, nin jecleysiga, nin necbeysiga, is xulufeysiga aan waxbo natiijo ah lagu gaari karin, isboortiga Soomaaliyeed uu u baahan yahey hada wixii ka dambeeyo jidka saxda lagu soo rido, halka aad moodo kooxo ku sameysan tey khilaafkii jirey, rabaan in weli dadka saxaarado lagu kale haayo ayaa ku fashilmey inay kale qariyaan dadka isboortiga ah.
GOS waxaad moodaa inay fahmeen xaalada ka jirtey magaalada London,hadane ay ka gudbeen kadib markii ay arkeen qorax joogto iyo hud hud rabta inay shaatiga la soo gashtaan,una isticmalaan danahooda gaarka ah,kana horkeenan bahda isboortiga oo ay ugu horeyso turxaanbixinta, waxayse ogeyn in siyaasadu ay saaxiib joogta ah laheyn ay leedahay dan joogta ah, qofna qof looga turjumi karin, waxaana muhiim ah in GOS isbadalka dhinaceeda ka biloowda ugu horeynta xaaqdo xasharaadka darajada beenta ah lagu soo siiyay inay warar u soo qadaan qurbajoogta islamarkaana jahwareeriyaan dadka isboortiga wax u qaban kara, halka turxaanbixinta ay muhiim tahey in isbadal ay sameeyaan dhinacyada isboortiga is khilaafsan, hada kadibna lala yimaado wax qabad sax ah insha Allah.
Hal ku dhiga SSPAMEDIA qormadaan waxaa weeye ” Isboortigu wuxuu u baahan yahey in loo shaqeeyo,uma baahna dadka ka shaqeysta oo kale geeya bulshada Soomaaliyeed”.
Kulamo dhexmarey SSPAMEDIA iyo madaxda GOS ayaan ku eeegi doonaa qormada soo socoto hadii Eebe idmo
W/D:Yusuf Yusuf |London 2012 | mrsomalia@hotmail.com
_______________________________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize