Kooxo Hubeysan ayaa galabta waxay ku dileen degmada Waabari Majaaliistaha caanka ahaa Cabdi Jeylaani oo loo yaqaanay Marshaale, waxaana kooxaha dilkiisa ka dmabeeyay ka baxsadeen goobta.
Allaha u naxariistee Marxuum Marshaale ayaa dhaawac ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina, markii dhowr xabadood ay hubiyeen kooxihii hubeysnaa.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Marshaale lagu dilay meel ku dhow gurigiisa oo uu fadhiyay abaarihii galabta casir liiqii, waxaana dhalinyarada toogtay ay ahaayee labo ruux oo bastoolado ku hubeysnaa.
Marshaale ayaa ahaa majaajiliiste ku caan ah sheekooyinka iyo ruwayaadaha, waxaana uu ka howl galayay Idaacada Kulmiye oo uu barnaamijka Tartanka Ramadaan habeenkii kala qeyb qaadanayay.
Share on Facebook
![]() |
Socialize