Musharixinta madaxweynimo oo ka biya diidan dib u dhaca ..

Kulan ay isugu Yimadeen 5 Musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay kaga hadleen arimo badan oo quseeyo xaalada Dalka Soomaaliya ,iyagoo dhaliilay qaabka ay usocoto diyaar garoowga doorashada madaxtinimo ee Dalka.

Waxaana ay sheegeen inay gaabis tahay hanaankii loogu diyaar garoobi lahaa in doorasho xor ah ay dhacdo ,iyagoo taa ku eedeeyay madaxda Dowlada oo ay sheegeen inay wadaan qorhso ay ku doonayan inay soo laabtaan markale.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah musharixiinta maanta kulmay ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay ,isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabtaa xaalka Dalka uu marayo.

Sidoo kale musharax Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu baaqay beesha Caalamka inay dabo gal ku sameyso warbixintii dhawaan ay soo saareen kooxda Monitering Group.

Prof Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isna ka dhawaajiyay hadii ay sida tan ku sii socoto xaalada dalka Soomaaliya in laga dhaxli karo dhibaatooyin hor leh.

20 Agoosto waxii ka dambeeyay ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Soomaaliya ay dhacdo doorasho madaxweynenimo uu yeesho Dalka Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login