Nin Shabab ah oo ay dabasocdaan Polcie-ka Yugaandha

Afhayeenka  cusub ee booliska Uganda Samson Kuteesa oo saxaafadda kula hadlay xarunta taliska booliska ee magaalada Uganda ayaa sheegay in tiro ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab ay gudaha u galeen wadanka Uganda kuwaasoo uuhogaaminayo nin uu magaciisa ku sheegay Max’ed Liibaani Xaaji oo Soomaali ah sida uu yiri.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Max’ed Liibaani oo Shabab ka tirsan iyo raga kale ee la socda ay wadaan qorshe ay weeraro uga geysanayaan wadankaasi waxaana uu tilmaamay in sawiradiisa ay hay’adaha amaanka u qeybiyeen laguna dabo joogo.

Laamaha amaanka wadankaasi ayuu afhayeenku xusay in lagu wargaliyay inay indho gooni ah u yeshaan muwaadinkaan Soomaaliyeed ee booliska Uganda sheegeen inuu doonayo inuu weeraro wadankaasi ka geysto.

“Dhamaan hay’adaha amaanka gudaha iyo kuwa caalamiga eeargagixisada la dagaalama waanku ku wargalinay in dalka Uganda ayh soo galeen xubno Shabab ka tirsan uu hogaaminayo Max’ed Liibaani Xaaji oo Soomaali ah isla markaana ay doonayaan inay weeraraan xarumo muhiim ah” ayuu yiri afhayeenka cusub ee dhawaan loo magacaabay ciidamada booliska Uganda Samson Kuteesawaxaana uu intaa ku daray in ciidamadu hadda baadi goobugu jiraan.

Booliska Uganda ayaa bishii hore ee June sidaan oo kale u shaaciyay sawirada iyo magacyada nin Al-AShabab ka tirsan  oo ay sheegeen inuu dalka Uganda ka galay dhanka dalka Kenya walaw mar damba ninkaasi lagu qabtay dalka Tanzania.

Xarakadda Al-Shabaab dhawr jeer ayay ku godoosay inay Uganda weeraro ka geysan doonto  sababtuna waa in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ay Shabab Soomaaliya kula dagaalamaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.