2 Doorasho oo is garab yaac ah oo Maanta ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, jen Qeybdiid vs Timo kala jeex oo lagu doortay Doorashooyinkaasi.
Waxaa Maanta ka dhacay Xaafadda Wadajir ee Koonfurta Gaalkacyo 2 Doorasho oo lagu wada Dooranayay Madaxweyanha Cusub ee Maamulka Galmudug waxaan 2 doorasho mid ak mida Aagaasinkeeda lahaa Xubnaha Galmudug ee Taageersan Madaxweynihii Xilka soo Hayya Maxamed Axmed Caalin,Halka qeybta kale ee iyaguna doorashadaqabsaday ay la jireen dhinaca Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha MaxkamadaSare ee Maamulka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed iyo Sheekh Ilko dahab
Doorashada ay qabsadeen Xubnaha Galmudug ee Taageersan Maxamed Axmed Caalin Madaxweynihii Galmudug waxa ay u dorteen Madaxweyanaha Cusub ee Maamulka Galmudug ninka lagu Magacaabo Maxamuud Cabdi Cilmi’ Timo Kala jeex’ Halka Garabka Kale Galmudug oo iyagu Horay u Iclaamiyay Doorashada Madaxweyanha Maamulka Galmuudg iyaguna u doorteen Jen Cabdi Xasan Cawaale’ qeybdiid’ Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maamulkii Xukuumadii Marxum Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Labada Doorasho ee Manata Galmudug ay ku kala qabsatay Konfurta Gaalkacyo yaaa looga kala bnadiyay Musharxiinta kala ah Cali Cabdalla Axmed oo uu ka Guuleystay Maxamuud Cabdi Cilmi ‘Timo Kal jeex’ iyo Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug ee Maamulkii Caalin ninka lagu Magacaabo Cabdisamad Nuur Guuleedoo isna uu ka Guuleystay Jen Cabdi Xasan Cawaale’qeybdiid’ waxaan tani muujineysaaKhiaaf xoogan inuu ka dhex jiro Maamulka Galmudug.
___________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login