Madaxweyne Shariif oo Balcad tegay!

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo dhamaadkii bishii June ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Shariif oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa saaka safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ilaalinayeen Ciidamada AMISOM iyo kolonyadooda qafilan.
Kulan ayuu Madaxweynaha kula qaatay Warshadii dharka Balcad Saraakiisha ciidamada dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay Odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada Balcad oo isugu soo baxay Warshadii Balcad, isagoo ku dhawaaqay in loo baahan yahay in ammaanka laga shaqeeyo.

Madaxweyne Shariif ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Majaajiliistihii caanka ahaa Marshaale oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo labo maalmood gudahood oo uu Madaxweynaha safar dhinaca dhulka uga ambabaxo magaalada Muqdisho, iyadoo maalin ka hor uu tagay degmada Balcad.

Waa socdaalkii labaad oo uu Madaxweyne Shariif ku aado degmada Balcad tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM 26-kii bishii June kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab oo muddo saddex sano maamulayay degmadaas.

______________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 1, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login