Mogadishu, Somalia, Aug. 01, 2012 - Madaxweynaha dowladda Federaalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa manta booqasho ku tagay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Khudbad uu ka jeediyay xarunta warshadda Dharka ee degmada Balcad ayuu madaxweynuhu ku amaanay sida ay dadka ree Balcad u taageereen ciidamada ammaanka, ayadoo waxgaradkii la kulmay madaxweynaha ay sheegeen in ammaanka degmada uu wanaagsan yahay shacabkuna ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan ciidamada iyo maamulkaba.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ciidamada XDS iyo AMISOM ku amaanay howl gallada ay ku xoreeyeen dhul badan oo ay ku jirto degmada Balcad oo ay horay u heysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab(AL-Qaacidda), Isla markaana ay u xaqiijiyeen ammaanka guud, ayagoo la shaqeynaya dadka deegaanka. Wuxuuna dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada si looga adkaado maleeshiyaadka Al-Qaacidda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Warshadda Dharka ee Balcad ayuu madaxweynuhu ka ballan qaaday in dhawaan dib loo howl galin doono warshadda, arrintaas oo ay soo dhaweeyeen bulshada ku nool degmada Balcad. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka si loo hirgaliyo mashaariicda horumarinta deegaanka iyo bulshada.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in tallaabada ay ergada Soomaaliyeed ku ansixiyeen Dastuurka Dalka ayxaqiijineyso in dalku uu ka baxay marxaladda KMG ah, isagoo tilmaamay in inta aan la gaarin 20-ka Agoosto la dhammeystiri doono xulidda baarlamaanka iyo doorashada madaxda dalka.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa tacsi u diray hobollada qaranka Waaberi iyo ehelladii uu ka geeriyooday majaajilliiste Cabdi Muriidi Malaaq (Marshaale), wuxuu cambaareeyay kooxihii dilka u geystay oo uu hadafkoodu yahay in ay dilaan dadka bulshada indhaha u ah.
- Dhamaad –
Xafiiska Madaxweynaha | Moqdishu, Somalia | media@presidency.gov.so
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
_______________________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize