Boliska dalka Kenya ayaa waxay shaaciyeen magaca iyo sawirka Dhakhtar u dhashay Soomaalida Kenya, kaasi oo lagu xiriirinayo dilka haweeney ahayd Safiirka dalka Venezuela u fadhiya dalka Kenya oo la oran jirey Olga Fonesca Jimerez..
Afhayeenka Boliska dalka Kenya, Eric Kiraithe, ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Sawirka iyo Magaca Eedeysanaha la tuhunsan yahay, kaasi oo lagu magacaabo Dr. Muxumad Axmed Maxamed Xasan, kaasi oo lagu xiriirinayo dilkii haweeneydii Danjiraha dalka Venesuela u joogtay dalka Kenya, taasi oo Toddobaadkii hore lagu dilay Nairobi.
Afhayeenka, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Waaxda Dembi-baarista Boliska Kenya ‘CID’ ee magaalladda Nairobi, u baadigoonbayso Eedeysanaha inuu ku lug lahaa dilka Diplomaasiyadda u dhalatay dalka Venezuela, Olga Fonesca Jimerez.
‘Qofkan ay Sawiraddiisa halkan yaalaan ee leh magacyadda Muxumad Axmed Maxamed Xasan, waxaa doondoonaysa Waaxda Dembi-baarista Boliska ‘CID’ ee magaalladda Nairobi, iyadoo lagu xiriirinayo Kiiska dilka ee Haweeneyda ahayd Safiirka dalka Venezuela u fadhiya dalka Kenya oo la oran jirey Olga Fonesca Jimerez’ ayuu yiri Afhayeenka.
Maxkamadda Nairobi waxay Talaadadii hore soo saartay Amarka lagu soo xirayo 6-qof oo uu Dhakhtar Muxumad ka mid ahaa, kuwaasi oo lagu xiriirinayo dilka Diplomaasiyadda u dhalatay dalka Venezuela.
Taliyaha Ciiddanka Boliska ee magaalladda Nairobi, Nicholas Kamwende ayaa la sheegay inuu isagu hoggaaminayo Kiiska Baaritaanka Dembiga Dilka ee ,lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyey dilka Haweeneyda u dhalatay dalka Venezuela.
Ninka Soomaalida Kenya ee lagu magacaabo Dr. Muxumad Axmed Maxamed Xasan, ayaa la sheegay inuu saaxiib dhow la yahay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Venezuella ku leedahay magaalladda Nairobi, oo lagu magacaabo Dwight Saragat, oo isaga iyo dhowr ka tirsanaa Ilaaladda Safaaradda ka mid yihiin dadka ay Boliska baaritaanka ku hayaan.
Dilka haweeneyda Safiirka dalka Venezuela u fadhiya dalka Kenya, Olga Fonesca Jimerez, ayaa waxa uu Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ay ka deggeneyd Nairobi, wuxuuna dilkaasi yimid labo maalin ka hor xilli la diyaarinayen Guriga cusub ee Safaaaradda Venesuella degi lahayd.
____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login