Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Ingineer caan ka ahaa magaalada.
Engineerka ayaa lagu magacaabi jiray Eng Cali Xaaji Shirwac kana mid ah dadka sida weyn looga yaqaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Cali ayaa la sheegay in lagu dilay xaafada Yoobsan ee magaalada Beledweyne,waxaana la sheegay in xiliga la dilay uu ku sugnaa goob baqaar ah.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 2 ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo bastoolado watay ay dilka u geysteen Engineerka,kuwaasi oo la sheegay inay goobta ka baxsadeen.
Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in ciidamada Dowlada halkaasi ay ka bilaabeen howlgalo baaritaano ah,waxaana la sheegaya in ku dhawaad 500 oo dhalinyaro ah inay soo qabqabteen.
Engineer-ka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa qaban qaabiye mudooyinkii dambe waday qorshe ku aadan sidii loo dhisi lahaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize