Labada orodyahan ee Soomaaliya u matalaya cayaaraha fudud ee Olympic-da London ee kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax ayaa la sheegay inay ordi doonaan Jimcaha soo socda oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3 August 2012.
Madaxa wafdiga cayaartoyda Soomaalida Cumar Cabduqaadir Baarajab oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in labada cayaartoy ay ordi doonaan xilliyo kala duwan oo isku hal maalin ah.
Samsam Maxamed ayaa ordi doonta saacadda xilligan London marka ay tahay 12:00 oo duhurkii ah oo ku beegan 2:00 PM ee xilliga Bariga Afrika, waxayna u tartami doontaa orodka 400 miter.
Maxamed Xasan wuxuu isaguna tartami doonaa 8:00 fiidnimo ee xilliga London oo ku beegan 10:00 habeennimo ee saacadda Bariga Afrika, wuxuuna u tartami doonaa orodka 1500 oo miter.
Baarajab ayaa rajo ka muujiyay inay cayaartoyda Soomaaliya guulo ka soo hoyaan tartanka, wuxuuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay dhiirrigelin wanaagsan la garab taagan yihiin orodyahannada Soomaalida ah.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
Maaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan sha allaah wan ku farax sanahay maxamed iyo samsam oo guul iyo sameecad u soo hoyindoona dalkeena hooyo ee somaliya insha allaah guul lama ilaawaana ayaan inoo rajaynayaaa maxamed and samsam
maaaaaaaaaaaaaaaasha allaah tartamayasha zamzam iyo maxamed aaaaaaad baaad ugu faraxsanahay unay sanadkaan utartamaan dalkooda hooyo insha allah guul ayaan ka sugeynaa aaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiin
masha allaah aad baan ugu faraxsanahay zamzam iyo maxamed waxana urajeynena guuuuuuul wacan insha allaah