Iyadoo laga sugayo Odayaasha dhaqanka inay soo xulaan Xildhibaanada barlamanka cusub ayaa qaar ka mid ah Odayaasha waxa ay ka cabanayaan faragalin ay sheegeen inay ku hayaan Madaxda dowladda KMG Soomaaliya .
Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xildhibaano ay soo xuleen Odayaashooda ay ka hor istaageen Gudi uu sheegay in loo xilsaaray in Xildhibaanada lasoo xulayo, waxaana uu sheegay in arrintaasi oo laga rabay Odayaasha ay hada muuqato in dad kale loo xilsaaray.
Waxa ay ku doodayaan Odayaasha in Xildhibaanada ay soo xuleen boosaskooda in la galiyay Xildhibaano kale oo ay sheegeen in aysan ka heyn wax war ah, iyaga oo sheegay in arrintaasi ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Barlamanka cusub waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah maadaama ay soo dooranayaan Madaxda cusub ee dowladda.
_____________________________________
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
Odeyaasha cabanaaya waxey raalli ka noqdeen in iyagaba lagu soo xulo qaab aan sharciga waafaqsaneyn.
Tan labaad cabashadooda waxey u ek tahay hadalkii Haamaan ku yiri Fircoon oo beenta labadooda ku heshiyey ka dibna isku qabsadey oo Haamaan yiri ” Xattaa Anaa , yaa Fircoon ” ?
Haddii Dhaqanka hadda cabanaaya ay Run sheegayaan , waa iney Dacwad Sharciyeysan u gudbiyaan Maxkamadda Sare ee Dalka , waa haddii ay jirto, kuna dacwoodaan in Hawlaha ay wado TFGga guud ahaan , gaar ahaana Laba Shariif, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabisamad, Agaasimaha Guud Mr Goobe, Taliyaha Booliska Mr Shekhuna iyo dhowr Xildhibaano oo ay ka mid yihiin Khaalid, Burci, Bakar, Fowzia, Ibbi iyo inta ay u adeegsadaan fulinta danaha gaarka ah oo ay leeyihiin Laba Shariif.
Arrimahaas oo dhan oo si aan mugdi ku jirin loo caddeyn karo ayaa noqon karaan kuwo wax ka beddela nidaamka sharci darro ee hadda wax lagu wado ugu yaraan wey hakin karaan sharci nimada Xildhibaanada Cusub iyo Dawladda ay soo dooranayaanba.