Sheekh Shariif waxaa Sugaya Tartan Ka culus kii 2009kii Jabuuti waxaa La loolamaya Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin Miisan Culus leh ‘Faallo’
Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomalaiya laguna soo doortay Shirkii Jabuuti Horaantii 2009ka waxaa sugaya Bishaan Tartan Ka miisan Culus kii Hire waxaana la loolamaya Siyaasiyiin iyo aqoonyahano misaan Culus leh iyadoo tartankani uu ka xiiso iyo xamaasad Badan yahay kuwii ka horeeyay ee |Dalka dibadiisa lagu qaban jiray.
Hadaba Madaxweynaha Dowladda KMG sheekh SHariif sheekh Axmed Muuse Maka Dabaalan doona Culeyska iyo Saaneynta ay ku leeyihiin Doorashada Raga loolanka kula jira oo ka mug weyn kuwii 2009 ay Fooda isku dareen Jabuuti.
Aqoonayahano aan Sanooyinkii ugu dambeeyay aan ka bixin muqdisho iyo siyaasiyiin Ruug cadaa ah iyo waliba Aqoonyahano dibada magac weyn ku leh ayaa gambar Gaaban ugu fadhiya Doorashdaan inay Noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya halka sheekh shariif sheekh axmed uu isna dadaal weyn ugu jiro inuu noqdo Madaxweynihii ugu Horeeyay ee difaacda doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Hadaba waxaa la isweydiinayaa Yaa noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya Ma shariif |Sheekh Axmed oo mudadii uu Xilka hayay wayaabo badan ay u qabsoomeen kuwana ay qabyo ka yihiin mise Waji cusub oo ku soo baxa Doorashadaan la wada sugayo ee 20ka ogosto 2012 kana dhucu doonta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wax ka baro Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Magaca leh ee Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kala dhaxeeyo loolanka Madaxtinimada Soomalaiya kuwooda ugu caansan.
Musharaxa ku Guuleysta Doorashada soo socota waxaa loo q aadi doonaa Heesta wadaniga ah ee la magac Baxday Nin Xil Xil qaaday eed Qaad marka Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo heestaasi waxaa ay Maskaxdiisa ka soo maaxatay Alaha u naxariistee Abwaankii Kooxdii Danan ee Ururkii dhalinyarada Kacaanka Soomaaliyeed Ismaaciil Xirsi Farxaan waxaana ku luqeeya Cabdi cali baacalwaan iyo Xareedo Ismaaciil Duniya
N.B Doorashada madaxtinimada Soomaaliya 20 Ogsoto 2012 waxaa sheekh shariif Sheekh Axmed u tirin doona Codadka Axmed Macalin Faqi oo 2009kii u tirinayay Codadka.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com
_________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize