Cabdiweli iyo Faroole oo u dhoofay Kenya

Labo wafdi oo ka kala socda dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, iyagoo ku sii jeeda dalka Kenya.

Xubnaha wafdiga waxaa ku jira raysul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali oo Garoowe ka soo raacay madaxda Puntland iyo madaxweynaha maamulkaas Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), waxaana la sheegayaa in uu socdaalkoodu salka ku hayo ka qeybgalka kulan ay saxiixayaasha roadmap-ka Nairobi kula yeelanayso xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton.

Cabdiraxmaan Faroole oo si kooban warbaahinta ula hadlay ka hor inta aysan dhoofin ayaa sheegay in shirka looga hadli doono dhammeystirka waxyaabaha ka dhiman roadmap-ka iyo sidii ay beesha caalamka u xoojin laheyd taageerada Soomaaliya.

Goor sii horreysay oo toddobaadkan ah ayaa la shaaciyay in ay Hillary Clinton la kulmi doono mas’uuliyiinta Soomaalida.

Sources: Barkulan

___________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login