Gabdho Ugandheys ah oo kashaqeyn doona hoteelada Muqdisho

Warar aan weli soo shaac bixin ayaa sheegaya in dumar fara badan oo tiradooda lagu qiyaasay dhowr boqol loo taba barayo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen hoteelada waaweyn ee laga dhisayo magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Weli lama sheegin inay ganacsada iyo milkiilayaasha Soomaaliyeed ee hoteelada leh kawarqabaan qorshahaan iyo inkale, laakiin waa howl socota oo lagayaabo inuu dhawaan kudhawaaqo mid kamid ah madaxda dalka Uganda.

Qorshahaan ayaa daba socda mashruuca sugidda nabadgelyada magaalada Muqdisho ee ay ciidamada AMISOM kawadaan dalka Soomaaliya.

Sida uu warku sheegayo waxay howshaan bilaaban doontaa kadib markii lasoo dhameystiro ciidamada booliska ah ee hadda bilowgoodu soogaaray caasimadda Muqdisho.

Dumarkaan Yugaandheyska ah ayaa utababaran hab casri ah wargudbinta kusaabsan, waa kuwo ufoojigan sida booliiska oo kale islamarkaasna labaray habka gargaarka deg dega ah oo loogu talagalay inay shaqaalaha kale badbaadin karaan haddii uu qarax kadhaco hoteelada ay kashaqeynayaan.

Sida lasheegayo waa dumar ay dadoodu udhaxeyso 18 ilaa 25-sano, waana dumar lasoo xulay oo sifiican uyaqaano raaligelinta macaamiisha iyo milkiilayaashaba sida ay leeyihiin.

Waxaa Qoray: Xagaleey

________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

 

One Response to Gabdho Ugandheys ah oo kashaqeyn doona hoteelada Muqdisho

  1. YAABA IS GAARAY, AAWAY KUWII BARWAAQADA KA SUGAAYAY GAALADA.KKK