Baaq ay dirtay Qurba-Joogta Beesha Murusade!

Qurba-Joogta Beesha Murursade oo baaq digniin ah ka soo saarey in kursigii Karanle la isku dayo in beesha Murursade ay qaadato. London, UK Dhamaan qurbo joogta beesha Murursade ee ku nool qaaradaha kala duwan ee caalamka siga Ameerika, Yurub, Carabta iyo Afrika ayaa ku tilmaantey ceeb iyo waxa aan damiirka bani aadanka ee xaalasha uusan ogolaan karin in la isku dayo in kuusigii beesha Karanle la isku dayo in la siiyo beesha Wadeere oo horey u heystey lix xubnood oo xildhibaano ah.
Qurbo-joogta beesha Murursade ayaa sheegay inay aad iyo aad uga soo horjeedaan aysan iyaga masuul ka aheen ceebta ka timaada oo ay masuuliyadeeda qaadi doonaa cidii ku kacda falkaas guracan ee ceebta loogu soo jiidaayo beesha Murursade.
Qurbo-Joogta Murursade ayaa uga digay Ugaaska beesha Murursade Ugaas Cabdullahu Ugaas Xaashi in uu iska ilaaliyo in lagu qaldo inuu galo qalad ay adkaan doonto in dib loo saxo sidaa darteed waxaa ay ka codsadeen inuusan siinin qofka ka mid ah beesha Wadeere kursigii kaliga ahaa ee beesha Karanle ay qeybta u heshay iyadoo horey ay isugu raacdey beesha Murursade Gudaha iyo dibaddaba in kursigaas la siiyo beesha Walaalaheen ee Karanle oo waliba xaq u lahaa hal kursi ka badan.
Qurbo-Joogta ayaa codsadey in beesha Murursade ay dib iskugu laabato oo waliba hal kursi ka badan la siiyo beesha Karanle. Qurbo-Joogta beesha Murursade ayaa codsadey in odayaal dhaqameedka Murursade ee jooga gudaha dalka Soomaaliya ay kulan degdeg ah yeeshaan si loo xaqiijiyo inaan lagu xadgudbin kursiga kaliya ee beesha Karanle ay qeybta u heshay haddii kale waxa ka yimaada ay ka masuul yihiin cidii sameysay xadgudubkaas isla markaana aan ceebtaas mara-ka dhicida ah aan lala wadaagi doonin.
Jaaliyadaha baaqan waafaqsan oo taageersan iyaga oo wada jir ah waxaa ay kala yihiin:-
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Norwey
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Sweden
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Danmark
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Finland
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Germany
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Itaaliya iyo Switzerland
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee United Kingdom (Ingiriiska)
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Holland, Belgium iyo Austria
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Mareykanka
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Kanada
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Australia
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Sacuudi Carabiya
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Imaaraadka Carabta
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Qatar
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Kuweyt
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Kenya
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Itoobiya
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Ugaanda
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Koonfurta Suudaan
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Suudaan.
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Masar
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Turkiga
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Yaman
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Koonfur Afrika
-
Jaaliyadda beesha Murursade ee Musabiik
________________________________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
QOL Admin
on August 3, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
Socialize