Britain oo taageereysa sidii loo hormarin lahaa sportiga Soomaaliya

Dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday iney gacan weyn ka geysan doonto sidii loo hormarin lahaa Sportiga Soomaaliya si wax looga qabto ammaanka Dalka.

Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Dowladda Britain Henry Bellingham ayaa sheegay iney Dowladda Britain kaalin weyn ka geysan doonto sidii loo hormarin lahaa Sportiga Soomaaliya ayadoo Wasiirkana uu arintan ka sheegay kulan uu maalinnimadii Jimcaha ee Shalay kula qaatay magaalada London Wasiirka Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sportiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Jirde Xuseen iyo Gudoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

“Dowladda Britain waxaa sharaf u ah in koox meteleysa Soomaaliya ay yimaadaan London oo ay kasoo qeybgalaan tartanka Olombikada Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Dowladda Britain Henry Bellingham oo intaasi raaciyey in Dowladda Britain ay taageeri doonto sidii loo hormarin lahaa Sportiga Soomaaliya maadaama uu Sportigu yahay furaha nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Wasiirka Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sportiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Jirde Xuseen oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa Dowladda Britain uga mahad celiyey kaalintii ay ku lahaayeen in ciyaartooy meteleysa Soomaaliya ay ka qeybgalaan tartanka Olombikada Aduunka ee London ka soconaya waxaana uu dhanka kale Wasiirku xusay inay shacbiga Soomaaliyeed fursad u tahay ballan qaadka Dowladda Britain ee ku aadan hormarinta Sportiga Soomaaliya.

“maleeshiyooyinka Al-Qaeda wey hor istaagaan Sportiga inuu ka hirgallo goobaha ay joogaan waxaana ugu wacan waxay doonayaan iney dhalinyarada u adeegsadaan dagaallada marka fursadaan waxaan u arkaa mid soo celinta nabadda gacan weyn ka geysan doonta”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Sportiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Jirde Xuseen.

Dhinaca kale gudoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliya Mudane Duraan Maxamed Faarax ayaa soo dhoweeyey ballan qaadka Dowladda Britain waxaana uu dhanka kale xusay in gudiga Olombikadu ay ku dadaali doonaan wax walba oo lagu hormarinayo Sportiga Soomaaliya si dhalinyarada aanay fursad ugu helin ka qeybgalka dagaallada.

“Sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya ka jira isbedello dhanka nabadda ah taasina waxey fursad inoo siineysaa ineynu qaadno talaabo kasta oo Sportiga lagu hormarinayo si inaguna aan dhankeenna kaalin uga geysano nabadda” ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Olombikada Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax oo Kulankaasi goob joog ka ahaa.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 4, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.