Dacwad Lidi ku ah Suldaan Mustaf Maxamed Cabdulaahi

KU: GUDDIGA FARSAMADA EE XALINTA KHILAAFAADKA XULITAANKA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA CUSUB.
Ujeeddo: DACWAD LIDI KU AH SULDAAN: MUSTAF MAXAMED CABDULAAHI.

Garweyne Kuulow Aweys

Salaanta Islaamka ka dib.

Anigoo ah Xildhibaan:  Garweyne  Kuulow  Aweys  ahna shaqsiga Dacwoonaya, Xubintan Xildhibaan Banaadiri ee Marka Cadeey iska leh oo laygu haysto, Anigoo keeney Shuruudahiisa buuxana waan leeyahay, si fiican oo nadiif ahna waan ugu soo shaqeeyay dhawr sanno AWEPA & NDI na wey i aqoonsan yihiin oo dhawr Siminaaro ayay i siiyeen, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaankan waan ku jiraa, waxaan Gudoomiye ka ahay Guddiga Warshadaha Macdanta & Biyaha.CV-geyga & Documenti Odayaasheyna dhaqanka  haayaan.

Haddaba nasiib daro waxaa mansabkan igu haysta nin la yiraahdo Suldaan Mustaf  Maxamed  Cabdulaahi  oo  reer  Xamar ah  kuna   dhashay Degganna isla markaana ah   SULDAANKA  Beesha  Gaameedle ee Xamar iyo agagaarahiisa .

Haddaba waxyaabaha aan ka dacwoonayo waxaa ka mid ah qodobadan:

  1. In la ii quuri la’   yahay Xildhibaannimada oo Dulmi & Xasad laygu sameynayo layna arkayo in aan ahay LOOMA OOYE isla markaa iyadoo laysku haleynayo awood qof kale oo madax ah (Adoon Illaahey ah)  oo Suldaan Mustafa Soddogiisa ah  oo uu gabadhiisa qabo   iyo  Lacag .
  2. Hadda Xamar Qaxooti baan ku ahay guri ijaar baan ku jiraa oo runtii culays igu ah ,  qoyskeyga ka sokoow dad badan baa dusheyda ku nool si toos ah iyo si aan toos aheyn oo Waxbarashadooda  qaarkood jaamiciyiin yihiin iyo cuntadooda iyo qarashkooda dusheyda  tahay   iyadoo  la  og  yahay  xaaladda  Xildhibaanada  maanta …….…Maxaa dadkan   mustaqbalkooda  loo  fashilinayaa  iyo  Anigaba.? (Xataa Aniga & Mustaf  aritan waan isku deyey Dacwo horteed in aan ka wada hadalno nasiib daro waa iga diiday Nin naagtaa rabo gebertaa ma yeelaayo aa la dhahay hortabo)
  3. Waxaan kaloo Dacwo ka ahay:

     Magaaladeyda Marka Cadeey oo Dadkeyga , Waaladiinteyda , Ehelkeyga ,Joogaan Gurigeyna ku yaalo ma aadi karin duruufo awgeed …….…..malaha   Suldaan Mustaf waxaas ila rabaa in Ashabbaab gacanta u galo ka dib markii uu I fashiliyo.

DACWADA WAXAY U DHACDAY SIDAN TAH

              Ninkan Ganacsade Rootiile ah (Foornooyin leh) oo magaciisa la dhaho Xaaji Mustaf Maxamed Cabdulaahi ahna Suldaanka Beesha Gaameedle ee Xamar noqday sannadkan 2012…… ku dhashay degganna Xamar degmada Waaberi Gabadhiisa Cad na uu qabo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Axmed.. ayaa horta maskaxda uu ka qabsadey oo uu ku waalay booqasho joogta ah Baabuur NOHA oo casri ku ah Soomaali iyo Wadamo kale oo uu cawo iyo maalin ku qaad qaado iyo malaha wax kale .  Suldaan Mustaf  Ree Markana  ma  aha intaasoo juhdi ah wuxuu u sameynayaa inuu Xildhibaanimadeyda la wareego.

Immaamkeena Ergada 135ta  noogu jiro oo magaciisa la dhaho: Immaam sheikh  Cusmaan  Maxamed  Cusmaan ( Cusmaan yaro )  oo  markii  u dambeeyay  geeyay  gurigiisa  oo  Waliimo  Shirqool  ahaa   ku diyaariyay waxaana waliimadaasi  diyaar  ku  ahaa  Odayaal  Beesha  Gaameedle markii waxii la cunay ka dib ayaa Immaamkii la yiri: Odey labo kala dooro far duco & far Hawaar oo waxaan kaa rabnaa in aad Suldaan Mustaf Maxamed Cabdulaahi aad koow ka dhigtid liiska Xildhibaanada aad gudbineysid afar  afar  Duco aan kuu akhrino hadda ama  afar afar Habaar aan kuu akhrino isla hadda….malaha  Immaamka  wuu  naxay  Isagoo isku dardarsan ayuu goobtii ku ballan qaadaey ( Sidii wax uu Isaga keligii  leeyahay oo kale) inuu Xildhibaan ka dhigayo isagoon waxba Karateeriya fiirin Maashaa Allaahu kaana …kaaga daranee isla habeenkii 4saac Suldaan  Mustaf uu Immaamka u qaaday xagga iyo Madaxweynaha gurigiisa madaxtooyada Isagoo sariirtiisa ku fadhiyo loo geeyeay , markaasaa Madaxweynahii Dalka Immaamkeenii uu ku bilaabay farxadgelin & boogaadin & Ballanqaad ku bilaabay isagoo ku faraxsan Dulmigaasi la farsameeyay oo sharci darada ku dhisan.

Xogtan inta badan waxaan ka helay inta u dhaxeysa Odayaasha Waliimda loo sameeyay……..iyo Suldaan Mustsf……iyo Immaam Cusmaan Yarow  dhexdooda.

Haddaba Ummadda Soomaaliyeey iyo inta wanaaga Soomaalida jecel  ma saanaa ( Sacaada Raali ahaanta ALLE) ku gaareenaa , mar haddii min Madaxweyne ilaa Suldaan iyo Immaam ilaa  hoose in qof keliya muwaadin ah Dulmiga laysku garab siinaayo ?????

Haddaba ( lLLAAHEY ka sokow ) waxaan guddiga xalinta khilaafaadka soo xulidda xildhibaanada ka codsanaayaa in si caddaalad ah xaqeyga aan ku helo ama ku waayo  iyadoo karateeriya la ii raacayo.

FIIRO GAAR AH

Waxaa  is  weydiin  leh  Suldaan  Mustafa  maxaas  u  arki  waayay   6da  xubnood oo reer Banaadiri  wada  leeyihiin   5ta ka mid ah  6da xubnood oo reer  XAMAR   qaas u  leeyihiin maadaama   isagu  reer   Xamar  yahay.

Intaasi ka dib Anigoo aad iyo aad ugu kalsoon Guddigan sharfan  warqadan ku socoto oo ah  Guddiga Madaxabannaan ee Xalinta Khilaafaadka soo Xullidda Xildhibaanada Cusub inay si xaq ama caddaalad ah noo kala  saari doonaan Aniga & Mustafa sida ugu dhaqsaha badan .

WABILLAAHI  TOWFIIQ

MAHADSANIDIIN

____________________________________________________

QORAALO LAXIRIIRA

Muqdisho -  Sida ay sheegeen odayaal ka tirsan beesha Banaadiriga ee degmada Marka, waxaa xildhibaanimadii beeshaasi la siiyey Suldaan Mustafa Xaaji oo ah sodoga madaxweyne Shariif iyadoo uu gacan ka geystay madaxweynaha.

Mid ka mid ah oday dhaqameedka Banaadiriga degmada Marka ayaa warbaahinta  u sheegay in xubintii baarlamaanka ee kaliya ee beeshooda ay heli jireen uu qaatay Suldaan Mustafe oo ah odayga dhalay mid ka mid ah xaasaska madaxweyne Shariif oo la yiraahdo Faadumo Mustafe Xaaji.

Waxaa beryahan taagnaa muran ku saabsan xildhibaanimada beesha 12-Ka Koofi oo ka tirsan beelweynta Banaadiriga uu ka dhex jiray koox odayaal ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Mustafe iyo Nabadoon Cusmaan Yarow oo si aad ah ugu ololeynayey in Suldaan Mustafe laga dhigo xildhibaanka beesha.

Madaxweyne Shariif ayaa isaguna ku wargeliyey guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka in Suldaan Mustafe loo qoro xildhibaanimada beesha Banaadiriga Marka ee ay horey u lahayd.

Cabashada taagan

Garweyne Kuulow Aweys oo baarlamaankii u dambeeyay ka ahaa xildhibaanka beesha 12-ka Koofi ee Banaadiriga ayaa warbaahinta u sheegay in isaga uu beesha u ahaa xildhibaan, hase yeeshee madaxweyne Shariif uu booskiisa ku bedelay sodogiisa Suldaan Mustafe oo hadda ku sugan Muqdisho.

Xildhibaan Kuulow Aweys wuxuu ku tilmaamay arinkaasi dulmi lagu sameeyay beesha guud ahaanteeda.

“Annaga beel ahaan ayaa xaq u leh inaan ka tashano xildhibaanka cida noo noqoneysa, madaxweyne Shariif beeshiisa ha u qeybiyo xildhibaanada ee kuweena faraha hakala baxo” ayuu yiri Kuulow.

Xubin ka tirsan guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka oo ah guddi ay keensadeen lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka ayaa u sheegay warbaahinta in uu soo gaaray liiska beelaha Banaadiriga ee xildhibaanada cusub uuna ku jiro Suldaan Mustafe, laakiin aysan ogeyn in wax khilaaf ah uu ka jiro xubinimadiisa.

Mar ay saaxaafadu  isku dayday in agaasimaha xafiiska madaxweynaha  wax laga weydiiyo waxa ka jira in madaxweyne Shariif sodogiisa uu ku taageeray ka mid noqoshada baarlamaanka cusub hase yeeshee aan laga helin wax jawaab sugan ah kana gaabsaday inay kahadlaan arintaas.

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Dacwad Lidi ku ah Suldaan Mustaf Maxamed Cabdulaahi

  1. Qaala Rasuulu laahi (SCW )

    WALLAAHU FII CAWNIL CABDI MAAKAANAL CABDU FII CAWNI AKHIIHI

You must be logged in to post a comment Login