Dalxa ” Odayaasha haloo madax baneeyo arimaha Dastuurka”

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ee watigooda sii dhamaanaya ayaa waxa uu sheegay in haddii ay jirto in aan loo madaxbanaaneeysiin odayaasha soo xulidda baarlamaanka inay tahay arintaasi ay tahay meel ka dhacay islamarkaana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka loo madaxbanaaneeysiiyo howlahooda.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid qalad ah oo aan loo baahnayn, waxaana uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay si cad uga hadlaan islamarkaana caddeeyaan cidda faragelinta ku haysa.

Dhanka kale Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub inay noqdaan kuwa xaalada dalka ka bedeli kara ee aysan noqon kuwo wixii la rabo lagu shubto.

Hadalka Prof Maxamed Cumar Dalxa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku mashquulsan yihiin soo xulista baarlamaanka cusub wallow ay jiraan cabasho ay qaarkood ka muujiyeen faragelin ay sheegeen in lagu haayo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Dalxa ” Odayaasha haloo madax baneeyo arimaha Dastuurka”

  1. waxaan u jeedinaa odayaasha in aay soo xulan kuwii dagaal ooglayaasha
    umada danbiga ka kalay waxaana rajeeneeynaa in goor dhow lasoo saaro maxkamad qofkastoo uma danbi ka galay

You must be logged in to post a comment Login