Kulankii Hillary Clinton Iyo Saxiixayaasha Qariirada ‘Roadmap’ Dhexmaray [DHAGEYSO]

Nairobi - Waxaa soo dhamaaday kulan hal saacad qaatay oo ay haweeneyda xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton la yeelatay lixda saxiixayaasha qariirada tubta ee loo yaqaano ‘roadmap’ ee Soomaaliya kuwaasoo illaa shalay ku sii sugayey Mrs Clinton magaalada Nairobi.

Kulanka oo galabta ka dhacay hotel ee magaalada Nairobi ayaa ahaa mid albaabada loo xirtay iyadoo saxaafadda caalamiga ah oo goobta joogtayna ay dibadda ka joogeen intii kulanka uu socday.

Markii uu kulanka dhamaaday hal saac kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Hillary Clinton oo faahfaahin kooban kabixisay waxyaabihii ay kala hadashay siyaasiyiinta saxiixayaasha qariirada roadmap-ka.

Mrs Clinton waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in lixda saxiixayaasha ay shaqadooda si fiican uga soo bexeen kadib markii dastuurka qabyada la ansixiyey isla markaana hawlihii ku xusnaa qariirada tubta ay si wanaagsan u meelmaraan, waxayna xustay in qeybaha dhimana looga baahan yahay in ay dhaneystiraan.

Macaamilka dawlada cusub

Clinton waxay sheegtay in xukuumadda Washington ay diirada saareyso sidii ay ula xiriiri lahayd dawlada cusub ee Soomaaliya ka dhalan doonta 20-ka Agoosto taasoo ay sheegtay inay rajeyneyso ‘inaysan noqon doonin mid musuqmaasuq iyo fashil uu hareeyay’ iyadoo sheegtay in ay waqti cusub iyo marxalad cusub ay galeyso siyaasadda Soomaaliya.

Hakaan ka dhageyso Hadalkii Hillary Clinton 

Waxaa isaguna hadal kooban bixiyey madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku hadlay magaca kooxda saxiixayaasha wuxuuna sheegay inay uga mahadceliyeen Hillary Clinton iyo dawlada Mareykanka taageerada ay siiyeen soo afjarida marxalada kalaguurka ee Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso codka madaxweyne Shariif.

Arimo kale oo la soo qaaday

Ilo wareedyo ku dhow dhanka siyaasiyiinta Soomaalida ayaa sheegay in Hillary Clinton ay soo bandhigtay labo arimood oo muhim ah oo ay ku jiraan in baarlamaanka cusub laga ilaaliyo in qaab musuqmaasuq ah lagu soo xulo iyo in doorashada madaxtinimada ay ku dhacdo si hufan oo aan ku jirin wax isdabamarin, iyadoo sheegtay inay walaac ka qabto wararka sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka la iibsanayo ayna dhici doonto dad aan tayo lahayn ama xiriir la leh argagixiso ay soo galaan baarlamaanka cusub.

Mrs Clinton waxay kaloo madaxda Soomaalida kulanka ugu sheegtay in warbixintii kooxda Monitoring Group ee ka had;aysay musuqmaasuqa baahsan ee ka jira madaxda DKMG ah ay tahay mid welwel leh isla markaana dib u dhac ku keentay taageerada ay beesha caalamka ku heysay DKMG ah, waxayna xustay in taasi ay keentay baahida loo qabo guddi maamula dhaqaalaha Soomaaliya oo beesha caalamka la xisaabtanto in la sameeyo.

Kulanka waxaa dhanka saxiixayaasha qariirada joogay Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka Ahlusuna C/qaadir Macalin Nuur.

Kulankan ayaa dhacay iyadoo kaliya 15 maalmood ay ka harsan yihiin doorashada la filayo in lagu doorto madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya 20-ka bishan Agoosto.

_____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login