
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Cabdullahi Cali Cismaan Guddoomiyaasha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka
Guddiga madaxa bannaan ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 27 xubnood oo metela beelaha Soomaalida ayaa maanta shaaca ka qaaday in maalinta berito ee Axadda oo ku beegan 5/08/2012 ay tahay maalinta ugu dambeysa ee beelaha ay soo gudbisan karaan liiska dadka ay u doorteen baarlamaanka cusub.
Prof C/laahi Cali Cismaan oo ah Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo iyaduna ah La gudoomiyaha guddiga ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen waxay ugu baaqeen odayaasha dhaqanka ee qabiilada Soomaalida inay liisaskooda keenaan maalinta berito ah laga bilaabo 9:00 subaxnimo, beeshii keensan weydana aysan waqti dambe heli doonin.
Shirkan jaraa’id kadib ayaa Shabakada Raxanreeb waxay wareysi la yeelatay labada Gudoomiye ee guddiga xulista baarlamaanka waxaan wax kaga weydiinay wararka sheegaya in liisas xildhibaanada cusub ka mid ah oo ay wataan madaxda DKMG ah loo soo gudbiyey.
“Illaa hadda ma jiraan wax liis xildhibaano oo aan qabanay, waa jiraan in meelaha lagu qorqorayey laakiin waxaan kuu cadeyneynaa in illaa hadda wax xubin baarlamaanka oo aan beel ka qabanay ma jirto” ayuu yiri Prof C/laahi Cali Cismaan oo ah La Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka.
Waxaan weydiinay in guddigoodu uu u madax bannaan yahay hubinta dadka ka midka noqonaya baarlamaanka cusub maadaama ay jiraan siyaasiyiin doonaya inay xildhibaano ay iyaga wataan ku darsadaan baarlamaanka cusub.
“Waxaan nahay guddi madax bannaan oo ka kooban 4.5 beelaha Soomaaliyeed oo dhan, waxaana nagu jira labo xubnood oo Qaramada Midoobay ka socda oo aan wax cod ah ku lahayn guddiga laakiin nala hubin doona magacyada ay qabiilada keensanayaan, ma jiri doonto cid aan buuxin shuruuda oo loo ogolaanayo inay baarlamaanka soo gasho xitaa hey madaxda dawlada wataan” sidaasi waxaa ku jawaabtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ku magac dheer “Xaliimo Yarey” oo ah La Gudoomisada guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Shuruudaha baarlamaanka
Guddigan farsamada waxay noo xaqiijiyeen in shuruudaha lagu xulanayo baarlamaanka cusub ay yihiin sidan soo socota:
Digniin loo diray siyaasiyiinta
Xubnaha guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka ee maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxay digniin u jeediyeen siyaasiyiin ay sheegeen inay faraha kula jiraan hawlaha odayaasha dhaqanka kuwaasoo raba in dad iyaga u ololeynaya ay ku soo daraan baarlamaanka cusub, taasoo guddigu sheegeen inaysan marnaba aqbali doonin.
Waxay sidoo kale odayaasha beelaha u soo jeediyeen inaysan sharaftooda ku tumanin oo aysan keenin dad ay lacago ka soo qaateen oo hadhowna ay dhici doonto in dib loogu soo celiyo maadaama dadka qaar aysan shuruudihii soo buuxin karin.
Sources: RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login