Jaaliyadda beesha Karanle ee Skaandaneefiyanka oo tacsi tiiraanyo leh u direyso qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Mareeyihii Airportka Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane
Stockholm, Sweden
Jaaliyadda beesha Karanle ee dalalka Skaandaneefiyanka waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan mareeyihii gegida diyaaradaha ee Aadan Cade marxuum Ibraahim Iimaan Xalane ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo.
Jaaliyadda Karanle ee Skaandaneefiyaanka waxa ay ilaahay uga baryayaan marxuumka inuu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka dhintey uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Ibraahim Iimaan Xalane ayaa waxaa lagu yaqaanay Alle ka cabsi iyo wanaag badan iyadoo ay gacmo ka gardaran dileen caawa oo bisha Ramadaan ay tahay 17ka kuna beegan 4da agoosto ee sanadka 2012, waxaana Ilaaha awoodda badan ka rajeynaynaa inuu maalinta qiyaamo soo baxo isagoo Allaah dartiis u sooman si uu soonkaas uu ugu shafeeco kuwii daalimiinta ee dhiigiisa banaysteyna uu Ilaahay naarta Jahanamo ku abaal mariyo Aamiin Aamiin Aamiin.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Karanle ee Stockholm
Cabdala Aadan Xasan
Email: abdullahihassan@hotmail.com
![]() |
You must be logged in to post a comment Login