31-ruux oo loo qabqabtay dilkii Maareeyihii Garoonka Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Police-ka Degmada Xamarweyne Gaashaanle sare Maxamed Daahir Cabdulle oo maanta warbaahinta kula hadlay saldhiga Degmada ayaa wuxuu sheegay in howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ay ka sameeyeen xaafadaha Degmadaasi inay kusoo qabqabteen rag ay ku tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen dilkii maareeyihii garoonka magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in 31 ruux oo u badan dhalinyaro ay kasoo qabqabteen xaafadaha kala duwan ee Degmada Xamarweyne,isagoo sheegay inay walli soconayaan baaritaanada ay ku baadi goobayaan inay ku lugleeyihiin dil xalay degmadaasi loogu geystay Marxuum Ibraahim Iimaan Xalane,maareeyihii garoonka diyaaradaha.

Taliyaha ciidamada Police-ka Xamarweyne ayaa sheegay in dadka gacanta ay kusoo dhigeen lagu xiray saldhiga Degmadaasi,wuxuuna cadeeyay in waqtiyada soo socda lasoo taagi doono Maxkamad lagu kala saarayo dhalinyaradaasi dilkii xalay lagu tuhmayo.

Maqribnimadii xalay ayay aheyd markii Degmadaasi lagu dilay Maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane.

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.