Alshabaab oo kordhisay weerarada xilliyada habeenki…

Labadii habeen ee ugu dambeeyey ayaa ciidamada ururka Alshabaab waxa ay ku qaadayeen weeraro fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa kii ugu dambeeyey waxa uu ka dhacay xalay degmada Afgoye oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada,waxaana ka dhacay magaalada Afgoye dagaal xoog leh oo saqdii dhexe xalay lagu mirey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu dhacay xili habeenimo ah, hase yeeshee ciidamada dowlada ayaa sheegay inay guul ka gaareen dagaalkan kadib markii ay dib u celiyeen ciidamadii soo weeraray. Sidoo kale dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa habeen hore soo weeraray fariisimo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada Qansaxdheere iyo magaalada Beledweyne. Hase yeeshee dagaaladan ayaa la sheegay in ciidamadii soo weeraray fariisimadan ay soo gaartay qasaare kadib markii lagu arkay subaxnimadii hore ee shalay meydad ay ugaga tageen halkii uu dagaalada ku soo qaadeen.

Weeraradan ay ciidamada Alshabaab soo qaadayeen labadii habeen ee ugu dambaysay ayaa waxaa ay yihiin kuwo bilihii la mid ah weeraradii ay soo qaadi jireen ururka Alshabaab bisha barakaysan ee Ramadaan. Balse weeraradan ayaa haatan waxa ay ka fog yihiin magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ciidamada Alshabaab ku soo qaadi jireen weeraro xilliyada habeenkii.

_______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.