Anwar Bakhiit “Dilka Abtigey Ibraahim iimaan waxaa ka danbeeysay Dowlada shaki noogama jiro”

Ehelada iyo qaraabada Marxuum ibraahim iimaan xalane oo maqribnimadii shalay lagu toogtay Degmada xamarweyn xili uu kasoo baxay salaada maqrib ayaa waxa ay aaminsan yihiin Ehelada in Marxuumka dilkiisa ay kadanbeeysay DKMG Somalia

Wariye Anwar Bakhiit waxaa abti laxmi ah u ah Marxuum ibraahim iimaan xalane waxa uuna aaminsanyahay in Abtigiis uu ku baxay gacanta DKMG Somalia waxa uuna sheegay in mudooyinkii danbe uu jiray Isfahan’waa u dhexeeyay isaga iyo shaqaalaha Garoonka ee isaga ka hooseyo

Dhanka kale Anwar Bakhiit waxa uu tusaale usoo qaatay halka uu dilka ka dhacay oo ahayd Degmada xamarweyne halkaaso inta badan lagu dilo dadka khilaafa kala dhexeeyo DKMG Somali maadama Degmadaasi inta badan laga fuliyo dilal qorsheysan islamarkaana Kooxaha Alshabaab aynan awood u lahayn in Gudaha Degmadaasi ay ka dhex fuliyaan Dilal

Anwar Bakhiit ‘’Dilka Abtigey ibraahim iimaan waa mid aan geed loogu soo ganban Dowlada waxa ay halkudhig ka dhigatay waxab baaritaano ugu jirnaa cidii ka daganbeysay Dilka marxuumka balse waxan aaminsanahay in marxuumka uu kubaxay gacanta Dowlada ‘

Ugu danbeyntii waxaa isa soo taraayo cadeymo ku aadan dilka Marxuum ibraahim iiman oo ahaa maareeyihii Garoonka Aadan cadde.

Sources: Qaranka

______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login