Faroole oo wiji gabax kala kulmay shirkii Nairobi

Warbixin dhawan naga soo gaartay Dhanka Siyaasiyiinta iminka ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan faroole uu waji gabax kala kulmay Saraakiisha amaanka Kenya iyo Xoghayaha Guud ee Dalka Mareykanka Hillary Clinton xili la adkeeyay amaanka dalkaasi Kenya

Waxaa lagu soo waramaaya in Madaxweyne Faroole uu Khilaafay habsami u socodka shirka Roadmap-ka  islamarkaana uu doonayay in si gaar ah uu ula kulmo Xoghayaha Arimaha Dibeda Ee dalka Mareykanka Hillary Clinton hayeeshe Arinkaasi ay layaab ku noqotay Ciidamada amaanka Kenya

Wararka aan heleyno ayaa intaa kusii daraayo in Faroole uu doonaayay in kulankii Hillary Clinton uu uga faalodo Siyaasada gaarka ah ee Puntland balse ila wareedyo aan helnay dhawaan ayaa sheegayan in Madaxweyne Faroole laga soo fogeeyay gabi ahaan agagaarka Hotelka iyo madaxtooyada Kenya isaga oona looga shakiyay in uu damacsanaa falal ka duwan baahida uu u qabay la kulanka Hillary

Kulanka Roadmap-ka oo ay isugu imaanayeen madaxda dowlada Somalia ayaa halis u noqday in la istaajiyo kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu carqaladeeyay Shirkaasi isaga oo arrinkaasi ka doorbiday in Daqiiqado qurah uu la kulmo Hillar Cilnton oo xiligaasi hamigeedu uu ahaa in ay kulan guud la qaadato Madaxda dowlada Somalia

Ugu danbeyntii C/raxmaan Faroole ayaa damcay in uu si gaar ah uga baxo shirka Roadmap-ka hayeeshe Ciidamada amaanka dalkaasi Kenya waxa ay Ku qasbeen Faroole in uu kulanka dhameysto islamarkaana joojiyo dhaqdhaqaaqa iyo qal-qal galinta Shirka waxaana lagu wargaliyay in uu ka danbeeyo Madaxweyne Shariif oo isagu ah madaxweynaha guud ee Dalka Somalia.

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login