Marxuum Ibraahim Iimaan oo Aas Qaran loo sameeyay!

Waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Iimaan Xalane oo ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ee loo sameeyey Maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya,Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada,Taliyaha Waaxda hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha,Xildhibaanno,Saraakiil ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida, Waxgarad,aqoonyahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana marxuumka lagu aasay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa meydka marxuumka loogu dukadey gudaha Isbitaalka Salaadii Janaasada ayadoo guud ahaanna dadka salaadaasi janaasada kasoo qeybgalay ay Alle uga baryeen marxuum Ibraahim Iimaan Xalane Maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho inuu siiyo naxariistiisa janno.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka,Cirka,Dhulka,Badda iyo Dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan C/laahi Aadan oo aaska kadib ka hadlay goobta ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka iyo guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed isaga oo dhanka kalena ku tilmaamay maareeyihii garoonka diyaaradaha qof howl kar ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn oo isna ka hadlay aaska ayaa ka sheekeeyey taariikhda Maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Alle ha u naxariistee marxuum Ibraahim Iimaan Xalane isagoo guud ahaanna geeridiisa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey.

Taliyaha hogaanka dembi baarista CID ahna afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo isna sidoo kale ka hadlay aaska ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanku ay wadaan baaritaanno la xiriira dilkaasi loo geystay maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana u dhanka kale ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed iney hay’adaha ammaanka la yeeshaan wada shaqeyn buuxda.

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.