Qarax weyn oo ka dhacay Degmada Heliwaa

Wararka ka imaanaya degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo khasaaro geestay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ka dhacay Suuqa Daryeel ee degmadaasi Heliwaa, waxaana uu ahaa qarax miino oo dhulka ka Qarxay.

Gudoomiyaha degmada Heliwaa Cumar Jacfaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxaan uu ahaa miino dhulka lagu aasay isla markaana ay ku qaraxday labo nin oo ahaa ku aasayay qaraxaas.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax kale oo khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaan oo soo gaaray dadka rayid ah ee ka ag dhowaa halkaasi.

Maamulka Degmada ayaa wuxuu intaasi uu ku soo daray in dhowaan ay saxaafada u soo bandhigi doonaan laba ruux ee miinada aasayay oo ay ku qaraxday Maydkooda.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login