Saxiixayaasha Road-mapka ayaa kulankoodii ugu dambeeyey waxa ay ku leeyihiin magaalada Nairobi kadib markii ay shalay la kulmeen xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka.
Kulankan ayaa waxa ay saxiixayaasha Road-mapka ku gorfeynayaan sidii loo dhamaystiri lahaa geedi socodka nabada iyo qodobadii Road-mapka. Waxana wararka ku dhow dhow kulankan ay sheegayaan in dhamaystirka qorshaha road-mapka uu yahay kan ugu weyn ee loogaga hadlayo kulankan.
Saxiixayaasha ayaa waxaa ka muuqda niyad wanaag kadib markii lagu guuleystey dhowaan in la ansixiyo dastuurka waxayna doonayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjaro xilliga kumeelgaarka ah oo ay ka dhiman tahay 16 maalmood,isla markaana lagu soo dhamaystiro waqtigii loogu talagalay soo xulida baarlamaanka iyo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynahaba. Wararka qaar ayaa sheegaya in saxiixayaasha ay ka wada hadlayaan sidii ay u midoobi lahaayeen oo ay hal musharax u soo saaran lahaayeen xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Hase yeeshee arrintan ayaa ah mid aad u adag maadama saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowlada uu mid walba doonayo in uu noqdo madaxweyne. Dhowaan ayaa siddeed musharax oo ka mid ah musharixiinta madaxweyne waxa ay ku dhowaaqeen inay iska soo xuli doonaan hal musharax si ay ula tartamaan dadka kale ee isu soo taagi doono madaxtinimada dalka.
Soo xulista baarlamaanka ayaa loo qabtay muddo go’an iyadoo madax dhaqameedka beelaha ay weli ku adag tahay in ay go’aan ka gaareen sidii ay u soo xuli lahaayeen xubnaha baarlamaanka. Mudanayaashii hore ee baarlamaanka iyo dad cusub oo doonaya inay noqdaan xildhibaano ayaa ku tartamaya sidii ay kalsooni uga heli lahaayeen madaxda dhaqanka oo iyagu soo xulaya mudanayaasha baarlamaanka cusub.
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login