Madaxweyanaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb qaadanaayay shirka Saxiixa-yaasha Roadmap-ka, ee uga soconaaya Magaalada Nairobi, ayaa la-sheegay in uu ka soo baxay isagoo careysan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la-sheegay in laba arrimoodba uu uga soo baxay shirka Nairobi uga soconaaya Saxiixa-yaasha Roadmap-ka, ayna taasi keentay inuu shirka oo dhan uu iskaga soo baxo.
Madaxweynaha ayaa waxaa la-sheegay in midda koowaad uu ka carooday ay tahay, iyadoo Madaxweynaha Maamulka Puntland uu dalbaday in lagala tashado Xildhibaanada laga soo xulaayo Deegaanada Maamulka Khaatumo State.
Arinta labaad ee uu sida weyn leh uu uga carooday ayaa waxay tahay in Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dalbaday in doorashada Madaxweynaha iyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka la-soo hormariyo midda Madaxweynaha, halkii mar walba laga soo hormarin jiray midda Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Mudane Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u dhaliilsan Faroole iyo Shariif Xasan ayaa wuxuu iskaga soo baxay guud ahaan shirka, isagoona u soo amba baxay dhinaca Magaalada Muqdisho, oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa jira dadaalada badan oo lagu doon doonay in dib shirka loogu celiyo Madaxweyne Shariif, hase ahaatee taasi ayaan lagu guuleysan oo waxay noqotay mid uu ka madax adeegay Madaxweynaha.
_______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize