Shariif Waa Xaraarug!

بسم الله الرحمن الرحيم الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد

Dr. Ali A. Hirabe

Shariifka waa xaraarug siyaasada saaxiib joogta ah ma laha balse dano joogta ah ayeey leedahay, waxaa kale oo la dhahaa siyaasada ma laha colaad joogta ah.

Waxaa soo baxeeysa ka fogaanshaha cadaalada shalay in aay sabbab u tahay in maanta aad kaga soo carooto shirka Kenya cadaalo daro ogaatana in aad hada hurdadii ka soo toostay,, Shariifka maxuu ku qaldamay maxaase dhagaha ka fureeyay  ????

  1. Baarlamaankii 550 ee uu ku lahaa 275 xildhibaan ayuu daaqada ka tuuray asaga oo maslaxad u arkay in Faroole yahay nin u hiilin kara waqtiga fog.
  2. .Shariifka waxuu daaqada ka tuuray axdi-qarameedkii lagu soo heshiiyay ee Impagati iyo awooda uu ku lahaa.
  3. Shariifka waxaa uu hiilo ka doonay Puntland kana dhigay 2 goor r/wasaare iyada oo la ogyahay in Puntland ay leedahay madaxweeyne gole wasiir io xukuumad,labaduba dhaawicii  aay u geeysteen siyaasada Somalia weli dhiigeeda waa socdaa.Garowe 1 & Garowe 2 Gaalkacayo runtii xaaran ayuu ahaa balse Shariifka uma arag xaaran ee xalaal ayuu u arkay waataa maanta waxii ka soo baxay lagugu shiilayo.
  4. Shariifka waxaa uu ogolaaday in 6 nin uu asaga ka mid yahay masiirkiisa dalka Somali laga weeyndiiyo, la madaxweeyne ayaa ka dhacday,waa taa Faroole taagan yahay ana la madaxweeyne. Waxaa uu lumiyay awoodii maxadweeynenimo waxuuna ka doortay in Faroole,Caalin ,Gaas aay la madaxweeyne la noqdaan.
  5. 5.     Shariifka waxaa uu tacsi qaran u dhigay C/aahi Yusuf oo ahaa aabihii burburka qaranka Somalia,Aabahii Ethiopia ku soo hogaamiyay dalka ,Aabihii gumaadka shacabka Somali,waxaad intaasi u sameeysay ayaa ahaa in Puntland mar uun ay kuu hiiliso balse Nina Caadadii madaayo,bahalna ceeriin ma daayo waa taa lugta ku jiidaysa maanta, slowly but sure.
  6. Shariifka waxaa uu ogolaaday in Muqdisho oo aheeyd caasimadii Somalia in dib looga tashado,waa taariikh aanan marna la iloobi karin.
  7. Shariifka waxaa uu ogolaaday in Odayada duubabka iyo raga ansixiyay labadaba in aayan awooda wax ka bedel laheeyn dasruurka qabyo qoraalka waxuu ahaa qorshe dheer oo dhagarqabayaasha ka damacsanaayeen in mar uu la ansixiyo asaga oo aanan wax laga bedelin,waana dhacday Odayada duubabka iyo kuwii ansixiyay 825 + 135 awood uma leehyn in aay wax ka bedelaan dastuurka.
  8. Shariifka waxaa xiga ansixinta dastuurka qabyo qoraalka oo laga bixiyay
    • a) awood qeeybsiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleeydyada
    • b) qeeybsiga qeeyraadka dalka iyo
    • c) qaab dhismeedka Federaalka gobolada sida aay isku raaci karaan intaba qorshaha labaad ee xiga midka ansixinta ayuu ahaa balse Faroole dastuurka Puntland uu ku ansixiyay Garowe arimahaasi aad ayaa loogu qeexay.
  9. Shariifka waxaa uu ku guuleeystay oo kaliya in haweenka gobolka Banaadir aay u soo banaan baxaan muujiyaane taageerada aay u hayaan Shariifka,waxaase la iloobay in haweenka aayan laheeyn awooda waxa lagu dooranayo,awooda waxaa leh xildhibaanka la doo doortay ee baarlamaanka ku jira,Faroole & C/weli waxaa aay ku guuleeysteen kunna heshiiyeen xulista xildhibaanada baarlamaanka Daarood iyada oo aanan lagala tashan Odayada duubabka,jufooyinka gobolada Nugaal Sool,Sanaag iyo Caayn waxaa qaatay Faroole halka gobolada Bari iyo Mudug uu qaatay C/weli,Shariif reerka uu ka dhashay ayuusan u kala xaqsoorin bal fiiri Mudulood weli waxaa lagu socdaa waa xal xaq maaha,sidee awooda Mudulood loogu soo koobay 3 jufo halka Wacdaan,Moobleen iyo Helibi la siiyay min 1 xildhibaan,taasi waxaa ka daran kuwii xildhibaanimada xoogay ayaa hadana gudoomiyayaal ka ah gobolada dalka sida sh.dhexe degmooyinka gobolka badaadir sow xaqdaro maaha.Maxaa diiday in gobolada loo dhiibo kuwa ka qaday xildhibaanimada ??
  10. Waa xiligii qofka markuu xaraarug noqdaa dhihi jiray waryaa Hawiye ahoow dib u fiiri Cali Geedi markii aay soo dhaweeyd in xilka laga qaado ayuu afka labadii dhawaaqay war-yaa Hawiye ahoow sorry,Shariif Hawiye waxaa uu ka doortay Faroole waxaana uu hada taagan yahay war yaa Hawiye ahoow.intii aad ku maqneeyd guurso gabdho faro badan ayaa ragana waxuu ka maqnaa sidii xilka lagaaga qaadi lahaa,hadase waa timid in xilka lagaa maroorsado adiga oo aanan laheeyn awood.
  11. Culamadii ayuu dhagaha ka fureeystay ee sida cad u diiday dastuurka qabyo qoraalka,sida oo kale shacabka somali oo indheergarad ahaa ayuu diiday,xagee u socdaa Shariif ……..  tuuladii uu ku dhashay  maya maya         weli xor maaha oo Al.Shabab ayaa ka talisa   ???
  12. Mission Completed qorshahii dhamaa markii dastuurka la ansixiyay C/Weli iyo ragii wax la waday ina ugaas khaliif ,C/raxmaan Xoosh waxaa aay u duuleen Garowe si Faroole loogu wargeliyo sida qorshah ku dhamaaday,Xamar iyo Kenya ayaa ka dhaw Xamar iyo Garowe diyaarad ahaan maxaa Garowe laga doonay Kenya ayaaba loo socdaye. 

Dr.Ali.A.Hirabe             Hirabe_a@hotmail.com

_______________________________________________________________+

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 6, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

13 Responses to Shariif Waa Xaraarug!

  1. asc dhamantiina waa yaab yaabkiisa marka labaad war hawiye waa dad cawan ah oo waliba an aqoon nidaam ama kala dambayn marka waa sidii ladoono ayaa lagadhigta war waxn hawiye futa madoowow oo madmadoowow maxad kugalay nidaam marka waa yaab rontii somaliya ilahay kasokow waxa ka masuul ah besha darood marka hawiye mayaqaano nidaam waa zulu zuluga south afrika oo kale kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk cajiib marka sxb waxan kuleeyahay iyad utahay dr hiraabe waxadtahay jahil cadalada kafog marka viva darood viva puntland viva khootumo viva azaniya kkkkkkkkkkkkkkkkkkk alow ii dhaaf darood thank uu dhamantiina hawiye wadankkii wad cunteen hadana birihii dhulka ayad labaxdeen marka maxa idin dhiman kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walee manta wan qoslay halakan waa paris cadey marka paris ayan kajoga hawiye curkiisa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk madonayo in an tago xitaa mel hawiye fadhiyo kkkkkkkkkkkkkkkkkk cuyaare hawiye byyyyyyyyyyyyyyyyyyy

  2. Acw , hiraabe ina adeer aad baan u hubaa inaad si fiican u sharaxday munaafaaqadda majeerteen iyo dulmiga gaamuray ayagoo si wayn advantege uga qaatay madaxwaynaha oo runtii ay aad u yar tahay waayo araghnimadiisa , waxuuna u qaatay siyaasadda wax sidii qawl diini ah loogu balamo , waxuu iloobay face kii hore ee imaanshaihii abdulaahi in uu ahaa aarsi hawiye , facekaan danbana faroole iyo c/wali awalan in ay isku dhiibaan gaalada fushadaana damacooda siyasadeed , xata waxaa loo isticmalay sheikh shariif saaxiriin waa wayn , laakiin gurbaanka meeshii si fiican loogu tumi lahaa aa layska rabaa, ciidamada afrikaankuna waligood joogi maayaan dagaalna waa biaaw wabilaahi tawfiikh

  3. Dr Hiraabe waxaa tahay geesi,
    waxaa ifisay qurunkii duugnaa ay wadeen majeerteen.
    Shariifna dadkiisa asaa ka jeestay oo faroole u tagay .
    Hiraabe majeerteen awal lama kasayn hadda hala barto.
    waagii horo waxay yiradaan waxaa loo qabi jiray run ,saa adigabo ka dhawaajisay burburkii soomaaliya aykaa ka danbeeyey waase la ogaaday , sifiican idhihiina u fura waxa hadda soomaaliya ka jiro fiiri waxaan waa wixii ay soomaaaliya ku dumiyeen oo kale,
    waxaa ka daran haday madaxtinimada waayiin waxay naqahee inay qofka madaxtinimada qabta ay sir iyo qurun u maleegaan ,waxay ka soo bilaabaayiin inay dadka ku kiciyaan qabiil.
    waxaa aad uga xumahay in hawiye ow u qabto daarood waxa majeerteen sameeyo , dadka daaroodka ah ayakaabo ku dulman majeerteen sida khaatumo, iyo kuwo kele
    Dr hiraabe guulguuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  4. DR. HUURAALE,

    WAXBA LAGAAMA DHAGAYSANAAYO, ILAAHAY CUDURKA HA KAA DAAWEEYO BIL SOON AH AAN KU JIRNAA.

    KUNA SEEXO KUNA SOO TOOS…….SHARIIF IS GONE!

  5. shariif siyaasi maaha.waana uun ha iska daba wareegto. waa laga hoos bixiyaa mar walbo kkkkkk.garoowe 1 garoowe 2 haduu u ogolaaday madaxweyne goboleed ineey la siman yihiin.dhaqaalaha la qeybsado %50.madaxweynaha mahiiga inoo cadeeyay ama lagu cadeeyay shirarka ineey siman yihiin 4 ta madaxweyne.waa tii tarzan dhahay waa boston oo kale garoowe lol.ooyinta bilaaba mar walbo markeey xxero iyo fandhaal kala dhacaan.aqli lix saac an maqli jiray.ha idinka saarto.keyga lihi kaadana kula lihi hadaad ogolaatay.in lagu mamuli doono maxaad ku diideysaan.hadiise taariiqda dib loo fiiriyo wax hada biloowday maaha inad yes sir dhahdaan.intaad ka carareyseen walaalihiin ama sokeeyihiin.shariif isagoon baran siyaasad baa gaalo keentay.siyaasadiisu waa mahiiga orkaa ka dhacay damn it.

  6. Caliyow qabiil nadiif ayaad ka ahayd xamar jajab markii la joogay qurbaha waad ku halowday. Magaca doctorna xurmee adi haduu fikirkaagu sidan yahay kan jaahilka ah maxaad u maleyneysaa. Yaa wax u sheegaya kaas.

  7. ASCW

    DHAMMANTIIN WAXAAN IDINKU SALAAMAY SALAANTA ISLAMKA, KADDIB WIILASHA
    GOLAHA SOO GALAY OO DHAN WAA KU MAHADSAN TIHIIN SUPPORT KIINA.

    TO: SHAMSO, LABADEENNA DUMAR WADA AH DAGAALKII SOOKEYANA AAN KA QAYB QAADAN, LAKIIN SI HADALADAADA AAN KA DHADHANSADO WAXAA KU HAYA CUDURKA, HIRAABE KAANA DAAWO MALEH IN ILLAAH LOO BARYO MOOYEE, SHAMSA MAXAAD MAJEERTRN KU NACDAY? WAA IN AAD CADEYSAA QOLO AY SOOMALI ABAAL KU LAHAYN WAA YAR YIHIIN, HADDII AAD ABGAAL TAHAY KHADKII CAGARNAA WAA KAA QADEN, HADII AAD SACAD TAHAY GALKAKACAYO NABAD KUMA AAD DAGANATEEN MAJEERTEN DADKA ISUGUMA TAGAAN EE WEY IS QABTAAN, HADDII AAD MAREEXAN TAHAY MALINTII MURWADA MAXAMED SIYAAD AAD VILLADA UGA CARARTEEN WAXAA KA SOO SARAY DHAFOOR QIIQ 70 NIN OO MAJEERTEN AH AYAA U NAF WAAYEY. CALANKA BLUGGA OO LAYDINKA FUJIN WAAYEY CAWAALE ILLAY HA U NAXARISTO AYAA DESIGN GAREEYAY, XORNIMADII HADDII UU MAJERTEEN IDIN HOGAAMIN WELIGIIN KUMA RIYOOTEN, HADDII AAD DIGIL IYO MIRIFLE TAHAY MAALINTII CAYDIID IYO CABDULLAHI YUSUF DALKA MIDBA MAR XUKUMAYAY AFKIINAAD KA QIRTEEN INEY CAWO IYO MAALIN AY KALA AHAYEEN, MAXAAD MARKA AAD MAJEERTEN KU DHACDEEN? WAXAAN KAA RABAA JAWAAB DEG DEG AH, MAJECLEEN INAAN BISHA SOON AAN JAWAABO LAAKIIN WAA LAYDINKA FARIISAN WAAYAY DHUNBANTANA DAMIIN UMA NOQON KARTID HADDII AAD RABTO INAAD U NOQOTANA ABTIRSINYAHA SOO BARO, FAROOLE HADDII UU SHEEKH SHARIIF U GAFO KHALADKA FAROOLE WARBAAHINTA LOO MARIN LAHAA. MASE UUSAN U GAFIN SIDA UU HIRAABE ASIIBAY SIYAASADDA SAXIIB JOOGTA AH MALEH. WA BILLAHI TOWFIIQ

  8. To: Shamso
    waxaan aad ugu qoslay midka meeshaan waxaan ku soo feegaarey ee isku magacaabey Hirabe iyo tan ama midka la bahaxay Shamso dabcan waxaa suurta gal ah inuusan magaca Shamso ahayn sah ee uu yahay Hirabe oo iska dhigaya ruux dumar ah walow uuba ka tirsanyahay madaama uu aad uxiniyo lana murmo dumarka. Horta duqan aad leedahay cid buu dhibku hayaa ama dhiig ku karshaa ma ogtahay in aan u aragno” immature” ama ruux aan weli qaan gaarin, tan kale ruuxa jaahilka ah sidiisoo kale maxaa hadalkiisu qiima leeyahay sida carabtu ku maah maahdo HADALKA JAAHILKU WAA SIDA DHUUSADA DAMEERKA OO KALE

  9. Ku: Dhagdheer iyo inta la midka ah.
    war heedhe miyaadan arakeeyn in Faroole noqday Garaadka dhulbahante,asaga ayaa soo xulaya xildhibaanada Dhulbahante,sow nin qaswade ah maaha,walaahi Dr.Hirabe aad ayuu u ifiyay sharta Majeerteen cid fahantay waa jidhaa waana la soconaa xumaha iyo danbiyada dalka ay ka galeen,Dr.Hirabe noolow wadani diiday gumeeysiga ayaad tahay,Majeerteen waxaa aay gadanayaan dalka shaki yuuna idinka gelin,dhagdheer Jigjiga ayaad ka timi maxaa kaa galay somali sow qabyaalad maaha.Dhagdheerow waalo waataa qormadaada midba midka kale aad ka dhigeeyso,Dr.Hirabe dhiiga ayuu idinku kariyay,cudur ayuu idinku riday oo aadan ka bogsoona,aragtida qaranimo ee Dr.Hirabe waad ku mahadsan tihiin.

  10. cali ramadaanka dadka ka qalay. Allaha kaa caafiyo qabyaalada karoonikada kugu noqotay.

  11. TO: DHEGDHEER

    Huuno Dhegdheer, ninkaan Hiraabo la dhaho naceyb fog ayaa ku jira, oo aan waxba laga qaban karin. Wuxuu u hadlaa, waxna u qoraa, waxna ku cabiraa aragti ku saleysan qabiil

    Marka ma aha nin dal iyo dad u naxaya ee ha isku daalrin.

  12. Anigii ayaa weli sii wata haddii Hiraabow Cabdullahi Yusuf kula yahay waxa aad ku sheegtay, CABDULLAHI SIDA UU NALA AHAA MAAHA WAXAAN HALKAN KU SOO KOOBI KARO, AASKIISA IYO HADAL HAYNTIISA AYAANA KA GARAN GARTAA CABDULLAHI WUXUU AHAA, JANADII FARDOWSA ALLAHA GEEYO, DAMBIGIISANA ALLAHA DHAAFO. ADIGA QOF GAR QAATA HADDII AAD TAHAY WAXAAN KUGU NASTEEXEN LAHAA RABIIGA CAFIS WEYDIISO, HADDI QOF QABIIL SHARAF KU HELAYO AMA COLAAD LA HURIYO WAX KU NOQONAYO WAXAA WAX KU NOQON LAHAA YUSUF GARAAD, MARXUUMADII MAGOOL ILAAHAY HA U NAXARISTO, AYAA HAL MAR MAGACEEDA LA XUSI LAHAA, WAXAA TAASNA U SABABA DAGAALADII SOKEEYE MARKA FANANAD QARAN QABIIL NOQOTAY HIRAABOW YAA KU YIRAHDA KA JOOG QABAYALADDA WAA WAX AAD U XUN, SHARIIF WAXAAN U RAJEYNAYAA GUUL, HADDII UU WAYANA ISAGA OO CID SOOMALI AH DAMBI AAN KA GALIN AYUU TAGAYAA, WA BILAAHI TOWFIIQ.

  13. ASCW

    Salaan kadib, arrinta aad ka hadashay haadashay ayaan rabaa in yar inaan kaga jawaabo, marka hore labadeenaba dalkii ma joogno Sharif iyo Faroole midna shaqo nama siinayaan kamana rabno, waxaana wanaagsan dadkeenna iyo dalkenna inaan u naxno oo cidna iyo qabiil midna aanan u fiirin waayo waxa halagmayana waa ummad Soomaliyeed iyo dalkii aan ku dhashay idinkuna aad ku dhalateen. Dhowr arrimood ayaad ka dhawajisay midda igu xanuun badneyda waa geeridii Cabdullahi Yusuf sidee Shariif jinasadiisa ugu tukaday Inaa Lilaahi waa Inaa Illahay Rajucuun war away Islaanimadii, Sharif waa nin Illahay yaqaan, Dhakhtarkii dubai wuu ugu tagay is cafiyeen dayntii Qaranka oo lagu lahaana waxaa baxshay Dowladda Shariif madaxda ka yahay wuuna ku amaanan yahay cawa doorashada hadduusan helin Sharif wuxuu ka tagay lecacy, sidaad hore uga dhawajisay siyaasadda saxiib maleh, wagii Shariif, Cabdullahi booska looga qaadayay waa tii Shariif awadii Barlamaanka laga dhigay 550.