C/weli dooro waa Faroole dooro!

Dr. Ali A. Hirabe

OPINION / FIKRAD - Maxaa sabbabay in Faroole uu awood u sheegto wallaalaha dhulbahante in aay ka tashadaan masiirkooda xildhibaanimo ee dowlada federaalka ??? Somalida waa wada aragtaa balse weli waxaa  la la yahay cid damiir leh oo kibirkaasi diida kuna soo celisa Faroole xuduuda uu leeyahay,waxaa damac kaga jiraa Faroole in xildhibaanka dhulbahante codkooda ayan siinin cid-kale oo aanan aheeyn C/weli oo isku soo taagay in uu noqdo musharaxa madaxweeynaha Somalia,Faroole waxaa uu isku bedalay Garaadka dhulbahante iyada oo la ogyahay in uu ka soo jeedo jufada Ciise max´ud sow lama dhihi karo waa kugu gardaro in aad dhulbahante u soo xusho xildhibaankoodii,sida oo kale Faroole waxaa uu soo xulay xildhibaanada Warsangeli oo weli ka taagan murun iyo qeeylo halka jufooyinka yar yar ee ku dhaqan Puntland uu beri hore  xaniinyaha ka siibay.

 Xiligii Impagaati 2004 C/aahu Yusuf ayaa u soo xulay beelaha Harti (dhulbahante iyo warsabgeli ),wakhtigaa Puntland sida aay maanta tahay ma aheeyn,Faroole damacii C/aahi ayuu wataa, maxuu u soo kordhinayaa C/weli haddiiba uu noqdo madaxweeyne Somali Faroole iyo Puntland ???? Qorsha fog ee C/weli wataa ujeedkiisa waa in Puntland aay gaarto madaxbanaani lugaheedana aay isku taagto..

Heshiiskii Faroole iyo C/weli waxaa sal u ah in Faroole loo dheereeyo xukunka ilaa 2013 iyo in dastuurka Puntland loo daayo sida lagu ansixiyay  kaas oo qeexaya goolka siyaasadeed ee Puntland ee aayaha Somalia,waxaa iyana jirta maadaama dastuurka qabyo qoraalka ee dhawaan lagu ansixiyay Muqdisho ee laga saaray

a)    Qeeybsiga qeeyraadka b) Awood qeeybsiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleeydyada c) Qaab dhismeedka Federaalka gobolada sida aay isku raaci karaan.

C/weli waa in uu is waafijaa dastuurka Puntland iyo midka federaalka,waxaa muhimada tahay haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad dastuurka Puntland ,haddii aad fiiriso hoos waxaad ku arkeeysaa qodobada aad ugu fog midnimada iyo wadajirka umada  Somalia waana kuwa isdiidaya labada dastuur ee midka Puntland iyo midka Federaalka.

bal ila fiiri —

MABAADIIDA AASAASIGA AH EE PUNTLAND

QAYBTA 1aad

ASTAAMAHA AASAASIGA AH

Qodobka 1aad

MAGACA IYO HIMILADA

1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya. Macnaha kama tirsano dowlada federaalka.

Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay(ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.

Qodobka 4aad

DADKA

 1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. Macnaha Soomaali maaha Puntland.

 2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland. Puntland waxaa difaacaya Soomaali sabbabta oo ah waa Soomaali.

 Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Soomaali ayaa leh khayraadkeedana Soomaali ayaa leh.)

2. “Dawladda” Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah. (Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobadaa oo dhan ayuu balan qaaday C/weli in uu u howlgeli doono sidii uu u dhaqangelin lahaa, C/weli waxaa uu la heshiiyay beelaha Xawaadle sida ku cad dhaqanka Wasiirka qorshaynta iyo is kaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre kaas oo uu Cabdulraxmaan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaskii Guud ee Xawaadle oo la hadlaayay VOA 2012-08-06 cadeeyay in uu soo xululay xildhibaanada Xawaadle ee dowlada federaalka si aay ugu codeeyaan C/weli asagana uu uga helo xilka wasiirka Maaliyada, sida oo kale Ugaaska Beesha cowlyahan ee Ogaden Ugaas Xussen Ugaas Maxed Ugaas  Qorane ayaa Talaabo foolxumo ah ku dhaqaaqay kadib markii uu iibsaday Xubinihii Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya u matali lahaa Beesha Cowlyahan ee Ogaden, arimahaasi waxaa ka soo shaqeeyay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Cabdiwahab Ugaas Khaliif kaas uu C/weli u balan qaaday in uu ka dhigo wasiirka ganacsiga dowlada federaalka, waxaa hungoobay ina Jahweeyn oo awoodi waayay in uu soo xulo xildhibaano Murasde ah oo codka siiyaa C/weli walow uu dadaal ugu jiro arimahaas.

Sida ku cad dastuurka Puntland dhawaan waxaa uu Faroole sameeyn rabaa lacag qaas u ah Puntland, taasina waxaa u fasaxaaya dastuurka Puntland lacagtaasi waa faalso ama been abuur  waxaa lagu soo daabacey Madarass (India) waxaan soo daabacey Max’med Faroole lacagtan waxaa iska leh nin Hindi ah Dhraman Singh.Akhristow ila fiiri hoos dastuurka Puntland waxa ku qoran daabacadaa lacagaha. Qodobka 109aad

BANKIGA DHEXE

1. Bankiga Dhexe waa hay’ad Dawladeed Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:

(b) Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Xukuumadda.

(t) Daabicidda lacagta.

(j) Bankiga Dhexe waa Khasnadda Dawladda (Government Treasury).

(x) Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

(kh) Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.

 Waxaa wax lala yaaba ah qodobada hoose bal akhristow ila arag.  Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag. Waa been Puntland waa G. Bari iyo G. Nugaal oo qaarkiis maqan yahay

 2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.

3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland. Ma dowlada Federaal ah baa marka lagu soo biirayo

4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda. Puntland Soomaali ayaa leh dastuurka qabyo qoraalka ayaa cadeeynaya soohdimaha iyo meesha Soomaali ku taal.

5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo. Midnimada Soomaali ayaa ah muqadas lamana kala qeeybin karo.

 

Hadaba sidee Soomaali ula jaan qaadi kartaa Puntland sow dhurwaa hilib ku raro maaha, sidee C/weli u dooranaa anaga oo og in uu u shaqeeynayo Puntland iyo Faroole Soomaaliyeey ogaada dhagarqabe dhulka kala qeeybinaya ayaa yimi.

Dhagaraha Soomaali ku soo wajahan ayaa ah in Puntland noqoto dowlad ka xor ah Soomaalida inteeda kale sida Somaliland u cadeeysatay.

Waxaad mooda in C/weli dhana uu ugu ololeeynayo midnimada iyo wadajirka Soomaali  dhanka kalena Puntland u duleeynayo dowlada Federaalka, Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah???

Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Soomaali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Soomaali.

Sh. Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Soomaalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi, waxaa hubaal ah in Shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

C/weli dooro waa Faroole dooro.

 Dr. Ali A. HIrabe                    Hirabe_a@hotmail.com

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 8, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

21 Responses to C/weli dooro waa Faroole dooro!

  1. Somali mid ah ma jirto Faroole ayaa ciidii ku qudbeeyay in aay ka goáayaan somali haddii aanan tooda loo yeelin ,sow dhab maaha waxa Dr.Hirabe ka hadlaayo.nooloow Hirabe waxa xaqa ah ayaad umada u soo bandhigtay.

  2. Asc,Ciid mubarak dhamaantiin.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk,waxaa hore loo yiri ninkii jimce waalanaya khamiistuu soo dhar dhigtaa Dr,hirabe waxaan kala garan la ahay in aad jiran tahay iyo inay xumaan kaa tahay isku dirka umadaan Soomaaliyeed oo dhaawicii dagaalka sokeeye weli ka bogsan,ma garan, qof wax caqli lehna ma fahmi karo sababta aad mar kasta qalinka iyo warqada ugu qaadato isku dirka umada walaalaha ah oo maanta diyaarka u ah inay dib midnimadoodi iyo qaranimadoodi iyo sharaftooda dib u soo celiyaan.midbaanan kuu sheegayaa federalism ku waa wadada keliya oynu ku wada noolaan karno,waana tan keliya oynu ku dhayi karno boogta qof kasta oo soomaaliyeed ku taal.hadaba walaalkey hirabe ha ku mashquulin state ka mida state yada ka kooban tahay Jamhuriyada federalka somaliyed ee isku day saad adiguna u dhisan lahayd state kaaga aana isugu nimaadno hoosta buluuglow calankeena anagoo dib u wada dhisaynaa sharafti iyo Qaranimadeeni, aad adigu rabto inaad hada bohol ku sii ridid.Ha noolaato soamlia ha noolaato Federalism ka.mar labaad Ciid wanaagsar dhamaan umada Somaliyeed meel kasta ood joogtaan.

  3. @Jaamac Xassan, Maandeeq Majeerteen baa keenay oo gaalo kasoo dhacshay Siyaad Baree iyo Hawiye baa burburshay, haddana Majeerteen la’aantii car waataase ha la helo. Bal maandeeq soo hel marka hore goortaa kadib Majeerteen ka ilaali maba hayside maxaad Majeerteen ka ilaalin. KKKKKK Am Sorry.

  4. Majeerten haku xukumo waa dadnimo xumo,kuwani dalka ayeey gadanayaan oo waa xaqiiq,Siyaad Bare ayaa sheegay dhaqanka majeerteen iyo hamiga ,somaliyeey dhurwaaga waa in laga celiya maandeeq.Dr.Hirabe qoraalada sii wad si umada u fahanto duliga majeerteen.

  5. ASWB, DR. HUURAALE,

    AREE SAA MAANKAAL U CUNAYSAY AA BAQTI CUDUR AH KA BUUXO NOQOTAY. ILAAHAY HA KAA SAARO!

    TEEDA KALE, HAWIYE IDINKA ISKA HADLA EE MASEERKA ISKA DHAAFA.

    PUNTLAND WAA GUULAYSATAY, GUUL IYO BARWAAQO WAA NASIIBKEEDA OO CUDURKA DR. HUURAALE AYAA KU YAR AMA LAGA HELIN DHULKA UDGOON EE PUNTLAND STATE OF SOMALIA.

    PUNTLAND STATE OF SOMALIA IS THE FATHER OF FEDERALISM AND IS PART AND PARCEL OF FEDERAL STATE OF SOMALIA.

    ADEER SHARIIF TAG BANNA HADII UU REEBO WAA LA GANAAXAYAA!

  6. dadkaan wax soo qoraayaa dhamaantood aqoontooda iyo fikirkooda waa dugsi hoose. maanta somali oo dhan nin hadli kara malaha ceebta aan dhex fadhino. bilsoon ayaa lagu jiraa Eebbe dembi dhaaf ha la waydiisto.

  7. Dr Doqonow Garoowe wax ha ka sheegin caasimadda Somalia waqtul xaadirka ee Somalia looga taliyo waaye ee rasmiga ah sida aad adiguba qirtay,Muqdishana waa caasimaddii hore ee qabuuraha dadkii hore ee somalia deganaan jiray ee burburtay ee laga soo guuray. Taasaad ka baqaysaa inay timaaddo laakiin waxaan ku sheegaya intaad nooshay cudurkastood ka baqaysay wuu kugu dhicin sida kan hadda aad qabto ee Maxamuud Saleebaan la yiraahdo ee allaha subxaanahu watacaalaa ha kuu saa’idsho inshaa’allaah kuwokale oo aan lagaranayn allaha kuugu siyaadsho waa 10kii ugu dameeyey ee ramadaane.

  8. @ Dr Doqonow, Warkan waala yaqaan ina Axmed calooley baa la yiraahdaa asaga iska dhaafe aabihii baa doqon ahaan jiray, waxba yaan lagu daalin. Macnaha C/wali yaan la dooran markaad tiraahdo saw Sh. Shariif macnahaagu ha doorto maaha adigaa qabyaalad u ololaynaya markaasaad dadkale ku eedeynaysaa qabyaalad saw laisma oran karo?. Tan kale Doqonow saad sheegtay Puntland hadday saad sheegtay waxaasoo awood ah leedahay ilaah baa awoodlehe hadday Somali ka baxdana wax u suuroobaya aysan jirin in baryo oo walaalayaalow la yiraa miyaa wax looga helayaa mise in la caayo oo la aflagaadeeyo oo wax jira iyo waxaan jirinba lagu eedeeyo bal labadaa su’aalood kasoo jawaab waa ogahay magacyadan halkan wax soo geliya baad mid leedahaye. !!!! KKKKKKKKK,

  9. Mr.ABDI MAXAMED IBRAHIM (kilaas)

    UMMUTUL-KHEYR

    UMMADI HADAY QAYR QABTOO NABADI QAWL-QAADO.

    IN LA QADARIYO BAA HABOON OO QALOOC LAGA ILAASHAAYE.

    DHULKAN LAGU QABOWYAHAY DADBAA QAYB U LOO QAATAY NABADIIYE.

    QABYAALADDAN IYO QULQULADAAN LA WADO WAA KUWAAN QAYR-SAN
    DHALINAYNE.

    QASKAAN HADDII LA SII WADO WAXAY TAGI QARAARKIIYE.

    OO QORI IYO WAXAY DHALI RASAAS LA ISKU QIIQSHAAYE.

    OO QOLABA MEESHAY KA TIMID IYO QURBAA LOO QAXAAYAAYE.

    HADAY QUMANTAHEE TOLOOW SAMAHA MAA LA WADA QAATO.

    OO QABYAALADDA INTII LAGA TAGAA QARAN-SAN LOO IISHO.

    Waa hees gaaban oon aan samaha ugu tilmaamayo
    inta ka foorarta wanaaga iyo qaran-san
    jacaylka.

  10. TO: HASSAN JAMA

    MA XANUUNSANIN, EE WAXAA I DHIIBTAY MANGABNIMADIINA IYO IS QABASHA LA’AANTIINA, XASHA INKASTA OO DAD SHARAF BADAN KU JIRAAN DUULKA UU NINKAN HIRAABE KA DHASHAY, OO IGA ISTAHILIN INAAN CAAYO, LAKIIN MAALIN WABA MARKII JIKAAR IYO LAFAGAAR LAGUUGU WADO, NAF IYO JAYDAAN AYAA NAGU XIRIIRA WAAD IS DIFAACAYSAA.

    WAXAAN RABAA INAAN UGA MAHADSHO CESHO HALKAAN MM, WALAYSAN HOOYADAA HAAN BIYO AH DHALIN, NIN RAG AYAAD KU BANAANTAY, WAAD ASIBTAY.

    TO: HIRAABE, CIDDAAN MAJEERTEN WAXAY IDIIN YAQAAN SAL IYO BAAR, WEY IDINLA DAGAAN ISKA GUURSATEEN DAROOD MARKEY NOQOTO MJ WAA REERKA AAD ISUGU BADAN TIHIIN SOOMALIDUNA WAA IN IS WADA TAQAAN, FAROOLE MARKA AAD RABTO INAAD WAX KA SHEEGTO HA DHEX ARKIN FAROOLE, MJ WELIGOOD JASUUS MA NOQON DAD BAA SHAHAADOYIN KU QAATAY, WELIGOOD DALKOODI MAGADIN, TAARIKHDU WEY QORAN TAHAY LIBRARY AYAAD KA HELI KARTAA, HAWIYAHII LA YAQAANAY EE ASALOWGA AHAA WAXAAS KAMA GADI KARTID, LAKIIN MOORYANTII ALLAHA U NAXARIISTEE ADEER CAYDIID MIYIGII UGA CID DIRAY EE XAMAR KEENAY WAA KA GADI KARTAA HADALKII WAXAAN KU SOO KOOBAY NIN CALOOLGALKAAGII OGAA, MANTASE CIROOBAY OO SAL IYO CIRIB KU YAQAAN LAGAMA CEEB SHEEGO.

  11. To: A.Hirabe
    dabcan ninkii han weyn ama isku kalsoon oo xil madaxtinimo u tartama waa raganimo.Laakiin adigu waxaad ku fakartaa wax aad u yar waxaana ku haya (lack of self esteem) kalsooni daro tan kale waxaa ku nacay dadki aad ka soo jeeday intii sharafta lahayd waxaadna taagan tahay meel cid la ah. waxaan kaloo kuu sheegi lahaa hadii marwalba aad wax iga sheegtid inay taasi i farxad gelin karto oo aan ogaanayo inaan wax ku dheerahay ama aan caqli iyo siyaasad badnahay horaa loo yiri (NIN KAA HOOSSEEYAA QOORAHAAGA(CAWRADAADA) ARKEE NIN KAA SAREEYAA MA ARKO).macnuhu waxaa weeye ninkaa sareeya waxba kaama sheego sababtoo ah waa nin ku yasaaya laakiin nin kaa hooseeya waxa uu tabar iyo naf ka dayaa cay.

  12. To:Hirabe
    waxaad mar walba ka hadashaa Punt Land iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gaar ahaan Prof.C\weli iyo Dr. Faroole marka hore MA IS WEYDIISAY Puntland yaa aasaasay? maxaa sababay aasaaskeedi?
    markii kooxdii aad ka tirsanayd ee USC oo la aaminsanyahay inaysan diin SAMAAWI meel ka soo gelin ay ku kaceen waxaan ognahay kuwaasoo u badnaa dad laga soo ururiyey miyiga hase yeeshee nasiib daro ay ragii professorada ka ahaa jaamacadihi dalka ay ku biireen iyagoo kuwaas ka amar qaadanaya qabyaalad jacayl awgeed, waxaa la aasaasay Puntland iyada ah meel soomaali oo dhan ay u siman yihiin, Fadlida allah dartiisna waxa ay gaartay halka aad maanta ka warhayso. Mudane Tarzan ka warayso wixii la yaabka la haa ee ku soo arkay iyo sidii loogu soo dhoweeyey 2011. waxaa hadaladiisii ka mid ahaa waxaan soo arkay guryo casri ah oo aan aad ula yaabay waa dad aad noojecel, xataa ugaartii sida sagaarada ayaan xataa kaa cararayn oo cabsi kaa qabin nabada taal maasha allah. hadaba maxaad samayn doontaa marka shidaalka tirada badan oo soomaali oodhan u siman tahay la bilaabo in la iib geeyo sida lagu wado bilaha soo socda?

  13. Ku: Dhagdheer

    Aad ayaad u xanuunsan tahay bal fiiri inta jeer aad hadashay iyo waxa aad ku hadashay,Dr.HIrabe fikirkiisa saliimka ah ayuu dhiibtay adiga fikir soo dhiibo oo umada ka gad wax la akhrisan karo,Hirabe waxa uu qoray waa dhab in hadafka Cabdiweli uu yahay sidii Puntland loogu duleeyn lahaa Somalida inteeda kale,Gaas Dooro waa Faroole dooro soq xaqa maaha sow dhab maaha ,Majeerteen dalka ayuu gadayaa haddaanan laga qaban.

  14. TO: HIRAABE

    HIRAABE ABDIWELI AYAA KU GUULEYSANAYAA MADAXWEYNENIMADA, ADIGANA SHUUNKA ADIGA OO AAN ISKA SOO XIRIN HA HAWEYSAN DALKII INAAD KU NOQOTO, TARSAN WUXUU KU SOO NOQONAYAA ENGRISKA, SHARIIF WAXAA MAGANGALYO SIINAYAA SACUUDIGA, HAWIYE INTA QURBAHA KU NOOL, IYO SOOMALI INTEEDA KALEBA DALKOODII AYAY KU LABANAYAAN OO DHISANAYAAN ADIGA WAXAAN KUGU OGAHAY QABOWGA SWEDEN, AKHIRANA SAMHARIRA.

  15. Mareexan walle Hawiye ixtiranka uu u hayo Majeerten, iyo aqoonto uu u leeyahay inuusan kuu lahayn, waa tii aad Habrawadaag iskala dhigteene maxaa ka raacay? Waa ka xumahay wixii idin gaarey laakiin waa wake up call. Kooxdii Qayladhaan war deg ah u dir.

  16. YAA QARANKII DUMIYAY
    YAA CIDII ROGAY
    YAA DALKII SIDII ABOOR U CUNAY
    YEY AHAYEEN USC, ALSHABAAB, ALLASHEKH IYO WORLDLORD
    YAA HABRIHII KUFSADAY
    YAA GABDHIHII MASAJIDYADA KU KUFSAY
    YAA DHUXUSHII, TAALOYINKII, KORONTADII
    CARAB U IIB GEEYAY HAWIYE KITAABKA
    ILLAHAY CAFIS WAA LAYDINKAGAGA WAAYEY

  17. qofka magaca ku sheegay dhagdheeer waa calwasaadaa.
    kkkkkkk Abdiwali waa aqoonyahan aa ?
    dhibka ay wadaan majeerteen maxaa ka dhahee?
    yaa loo soo adeegsaday dadka soomaali inay cuqdo dhex dhigaan,?
    yaa gaalada u adeegaayey oo wadanka dumiyey?
    yaa hadda wadanka laqdabo ku haayo?
    Dr. Hiraabe waxaa kuu rajaynaa guul guuuuuuuuuuuuuuuul.

    Abdiwali dooro = waa Faroole dooro

  18. TO: HIRAABE

    WAXAAN RABAA OO KALE INAAN KU XASUUSIYA ABDIWALI IYO FAROOLE WAA NIMAN EHEL AH HAYBTANA KA SIMAN, LAKIIN WAA LABA QOF OO DABEECADAHA KU KALA DUWAN, ABDIWALI WAA NIN QABOW, QABYAALADANA AAN KU DHEREYN, WAXAAN KALE OO AAN KUU SHEEGAYAA WAA IDINKA MEELWALBA SOO GALIYAY LAALUSH AYUU KURASTII KU GATAY, XASHA TAAS ANAA KA XAAL SIIYAY, MA ILLOWDAY ABDIWALI INUU YAHAY PROFFESSOR HARVARD UNIVERSITY KA BAXAY OO WELIBA ECONOMIST AH, DHALASHO MAREYKAN AHNA HAYSTA, ASAL AHAANA PUNTLAND KA SOO JEEDA MADAX MEEL KA SARREYSA OO LA SALAXO MALEH, ILLAH BAAN KUGU DHAARSHAYE ADOON QABYAALAD U FIIRIN CID CABDIWALI LA TARTAMI KARTA MIYAA KUU MUUQDA?

  19. ASCW

    WAXAAN KU WEYDIYAY HIRAABE MARKII DAGALKII SOKEYE BOLOWDAY OO NINKA DHUNBANTE UU ISAAQ SHEEGANAYAY ILEEN DADKAAS WAA DAD ISLA DAGA OO AAN LAKA GARAN WIIL IYO ABTINA AH, WAXAAD ORNANEYSEEN INTUU ISAAQ FAKADAY NOQON LAHAA DHULBANTE DHINTAY HA NOQDO, MA MAANTA AYAY WALAALIHIIN NOQDEEN ILOWSHA DHAWADIINA MA UMULO AYAAD U BADNEYDEEN, XAWADLE MUYUUSEN, MAXAMED XAWADLE AHAYN, XAWADLAHA TORONTO JOOGA IYO LEELKASE AYEY ISKU QAARAN YIHIIN SOW MA OGID CIDAAD DOONTO SOO WAC HADDII AAB U BAAHAN TAHAY UGASKA, AMA SACIID DUCAALE OO REER XAMAR JAJAB AAD ISLA AHAYDEEN AYAAN TEL KU SOO SIINAYAA. WAA LA TARTAMAA RAG WAA IS XINIINYO TAABTAA CAYDA WAA REEBAN TAHAY, PUNTLAND WAA KU WAALATAY, MA HORUMARKA AYAAD U QURI LA’DAHAY? ILLAHAN KU DHAARTAY SHARIIF INUU HELO INAANAN KA XUMEYN WAA NIN CEEB IYO DAGAALBA NECEB, LAAKIIN ADIGOO OO KALE MARKAAN ARKO AYAAN IS IRAHDAA HADDII RABBI WAX IDINKUGU DHIIBO SIDEY IDIIN GALI LAHAYEEN, SAXARIHII AAD SHEEGAYSEEN IYO WIXII KU NOLAA AAD MAJEDHEEN AAD UGU YERI JIRTEEN WAXBA IDINKAMA QAADAYAAN EE CABSIDA JOOJIYA.

  20. DR Hiraabe iga gudoon salaan qaali ah.
    walaalkay waxaa iftiimisay runta .
    guul guul aan kuu rajaynaa.

  21. DR.Hirabe ilaah ajar ha kaasiiyo xogta dhabta ah ee ka danbeeysa C/weli in uu madaxweeyne isku soo taago,qayaanada Puntland wadaa waa taas,somali waa in aay ka fiirsataa qayaanadaa iyo ujeedada Faroole ee somali la damacsan yahay,Faroole iyo C/weli waa isku ujeedo taas oo ah waxa Hirabe sheegay ,waan ku salamay Dr.Hirabe somali waa aay kuu abaalgudeeysaa haddii ilaah idmo.wabilaahitowfiiq