FIKRAD / OPINION - C/weli waxaa uu balamo badan u qaaday golahiisa wasiirada haddii aay soo xulan xildhibaano codka siiya si uu u noqdo madaxweeyne,waxaa wasiirda ugu cad cad ka mid ah.
Waa tan keentay in musuqmaasuq xoog leh ka dhex abuurmo Odaydii duubabka,waxaa la cadeeyay in 160 xubnood oo lagu wado in ay soo galaan baarlamaanka, kana soo kala jeeda beelaha Digi & Mirif , Hawiye iyo beelaha shanaad in eey u soo iibiyeen golohii wasiirda C/weli, halkii xildhibaana lagu soo iibiyay 80 kun dollar, lacagtaasina ay tahay lacag laga soo diray Puntland iyo mid ka timid reerka C/weli ka dhashay ee East Africa Kenya ilaa iyo Zambia isku dubaridkeedana uu lahaa Daahir Mire Jabriil iyo lacago laga xaday qasnada dowlada,waxaa qadka dhexe ee dalaal-nimada soo iibinta xildhibaanada door weeyn ka qaatay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Max’ed Rashiid Sheekh oo noqday nin hantida uu dhacay aanan wax leeyska weeydiin.
Waxaa jira wasiiro ka biyo diiday C/weli in aay u adeegaan una soo iibiyaan xildhibaanada cusub ee baalmaanka si aay u siiyaan codkooda ,kuwaasi waxaa ka mid ahaa .
C/weli waxaa uu dhinaca kale olole ugu jiro sidii Faroole uu u soo xuli lahaa xildhibaanada Harti iyda oo eeyan muran ka taagneeyn kuwa Maxud Saleebaan in aay u codeeyaan C/weli,reer walba oo cabanaaya waxa uu ka cabanaayaa in Odaygoodii la siiyay laaluush taasina waxaa sabbab u ah golaha wasiirada C/weli iyo balankii uu ka qaaday….
Isku soo wada duub C/weli la doortaa waxaa aay la mid tahay Faroole oo la doorto,waa suáale Faroole ma hogaamin karaa dalka Somalia aqoonteeda ma leeyahy xageese ka joogaa cunfiga qabyaalada.
Dr. Ali A. Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login