Gudiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in kama dambeys maanta ay u soo gudbiyaan liiska magacyada Xildhibaanada cusub, iyagoo sheegay in howsha u taala iyo waqtiga u dhiman aanay isu dhigmin.
La Gudoomiyaha gudiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka cusub Prof. C/llaahi Xiirey ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ka dalbanayaan inay u soo gudbiyaan kama dambeys gelinka dambe ee maanta liiska Xildhibaanada cusub.
“Waxaan ka codsaneynaa Odayaasha in maanta soo gudbiyaan magacyada, hada waxaan heynaa Liiska 70% waxaa noogu dhiman inaan kala xulno, laakiin waxaa rabnaa in inta hartay ay inoo soo gudbiyaan”ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiirey oo shir jaraa’id ku qabtay Warbaahinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in 12-maalmood ay u harsan tahay, isla markaana aanay ku dhameystiri karin howsha u taala dhaarinta Xildhibaanada iyo xulitaanta Xildhibaanada cusub.
“Waxaa noo hartayt 12-maalmood kaliya inaan ku dhaarino baarlamaanka iyo xulitaanki ku sameyno nooma suura geli karo, waqtigii waa dhamaaday waxaan rabnaa in nala soo gudbiyo, hadii aan helno 84% waa kooramka waxaa jecelnahay inaan dhaarino oo fariisino, hadii aan helno,”ayuu yiri Prof. Xiirey.
Waxaa uu kaloo sheegay inay ka go’an tahay in hadii kama dambeys ay helaan 84% ay Baarlamaanka fariisin doonaan, isla markaana ay dhaarin doonta, inta laga soo gudbinayo inta kale ee hartay sida uu yiri
Muran iyo khilaaf ayaa wali ka jira habka soo xulida Xildhibaanada cusub, iyadoo guuxa jira uu yahay in Beelaha qaar ay isku heystaan xildhibaanada u mataleysa, isla markaana qaar ka mid ah odayaasha soo xulayana lagu eedeeyay inay wataan shaqsiyaad lacago siiyay.
______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize