Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa rajo ka muujiyay in mar kale dib ugu soo laabto kursiga madaxtinimada Soomaaliya, muddo 12-cisho oo ka harsan doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Isagoo Wariyeyaal ka socday Warbaahinta Caalamiga kula hadlayay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka soo kaban doonto bur burka.
“Soomaaliya waa ka soo kaban doontaa bur burka, waxaan rajo ka qabaan in awooda dowladda inay ku fido dalka oo dhan”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Xukuumada soo socota ay wax ka bedeli doonto nolosha dadka Soomaaliyed ee dhibaatada ay aafeysay.
Waxaa uu sheegay in horumar laga gaaray arrimaha siyaasada iyo ammaanka, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday in sidoo kale dhanka dhaqaalaha ay Soomaaliya ka soo kaban doonto, isla markaana uu dalka leeyahay kheyraad fara badan oo ku filan shacabka Soomaaliyed.
Madaxweyne Shariif ayaa maalmahan ka wada magaalada Muqdisho olole ballaaran oo ku aadan musharaxnimadiisa, iyadoo wadooyinka lagu arkay gawaari iyo mootinka lagu dhajiyay Sawirkiisa.
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login