Farmaajo oo Muqdisho kusoo Fool leh!

Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maalinta beri oo khamiis ah lagu wadaa in uu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhaweynta Farmaajo ayaa maanta si weyn looga dareemay Muqdisho, iyadoo gawaari iyo mootooyin lagu dhajiyay sawirradiisa lagu arkayo wadooyinka Muqdisho.

Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya, ayaa ka mid ah musharaxiinta dooneysa ka qeybgaleysa doorashada madaxweynaha Soomaaliya. oo dhaceysa wixii ka dambeeya 20 August ee sannadkan.

Sidoo kale dadweynaha Muqdisho ayaa watay sawirka Farmaajo iyadoo goobaha ganacsigana lagu arkaayay Farmaajo, oo isku soo taagaya xilka madaxweynaha soo socda.

Waxa uu ra’iisal wasaarihii hore uu muddooyinkan dambe ku sugnaa dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, halkaasoo kulamo gooni ah uu kula qaadanayay jaaliyadda iyo dad taageersan isaga.

Magaalada Muqdisho, ayaa maalmahan waxa ku soo qulqulayay musharixiin doonaya in ay qabtaan xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Shaley ayey ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha hadda Cabdiwali Maxamed Cali uu ku dhawaaqay in uu ka mid yahay musharixiinta dooneysa in ay isku soo taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay soo dhawaatgay mudada la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu damac kaga jiro musharixiin kor u dhaafeysa ilaa labaatameeyo.

__________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login