Farmaajo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay! (SAWIRO)

Waxaa wadooyinaka Muqdisho isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan, dadweynahaasi  wadada isku xirta garoonka Aadan cadde ilaa Maka Al-Mukarama kuwaasoo soo dhoweynaya raisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Dadweynahan ayaa ka soo yaacay xaafadaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maqleen in Farmaajo inuu soo degay, waxaana khal khal iyo ciriiri xooggan galay socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-mukarama iyo qeybo kale oo ka mid ah caasimada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadweynaha isu soo baxay  dibadbaxa ayaa watay sawirada Farmaajo, waxayna  korna u lulayaan sawirka Farmaajo iyo calanka Jamhuuriyada Soomaaliyed, kuwaasoo sidoo kale lagu dhejiyey gaadiidka magaalada qaarkood iyo Xaafadaha Magaalada.
Dibad baxyadan maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa dad badan soo xusuusiyey kuwii sanadkan ka hor ka dhacay magaalada ee looga soo horjeeday inuu xilka ka dego Farmaajo, waxaana Farmaajo oo boqolaal gaadiid ah ay gelbinayaan uu ku soo wareegay jidadka magaalada ee dadweynuhu ay isugu soo baxeen isagoo u gacan haatinaya shacabka inkastoo uusan la hadlin weli.
Raisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo warbahainta kula hadlay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sanad kadib inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, wuxuuna  u mahad celiyey dadweynaha soo dhoweyntiisa ka soo qeyb galay.
“Sidoo kale waxaan aad uga xumahay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada inaan muddo dhowr bilood ah la siinin wax mushahar ah, waxaan ugu baaqayaa xukuumada in sagaalka cisho ee ka dhiman bisha Ramadaan ay ku bixiso mushaharooyinka si dadkaasi aysan ciida ugu iman iyagoo an waxba heysan” ayuu yiri Md.Farmaajo oo u muuqda mid Shacbiyad balaaran ku leh Shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale xaalada magaalada qeybo ka mid ah ayaa weli kacsan , waxaana dadka banaanbaxayada sameynayey ay badankood isugu soo tageen taalada sayidka iyagoo ku dhawaqaya  ereyo ay ku soo dhoweynayaanMusharax Farmaajo, shucuurtoodana ay kacsan tahay, waxaana dhinaca kale ciidamo fara badan la soo dhoobay wadooyinka si ay ammaanka u adkeeyaan.

 ______________________________________________

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Farmaajo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay! (SAWIRO)

  1. Shariif taageerayaashaada ayaa dadkii toogtay.lama oga inay dadkale u shaqaynayeen oo iska dhigaayeen inay yihiin kuwaaga.
    laaakiin si kastaba la hadal taageerayaashaada ,ama hadal oo u sheeg dadka inaysan ahayn kuwaaga oo qolo siyaasad iyo isku dir wadato ay sameyeen

    Shariif isku xishood Calafka illaahay ayaa qoray.
    dhibaato hadi aad abuurta aaqiro ayey meel kuu taal.
    sidaas oo kale qofkii kale oo isku daya inuu isku dir sameeyo si uu kursi u helo illaahay ayaa ka goynaayo.
    qof kasta calafkiisa waa qoran yahay , Farmaajana haddii uu calaf ku leeyahay uu heli, lamana joojin karo .
    waxaan dhihi lahaa aaqiradina u naxa ,god ayaa idin ka danbeeyo