Muqdisho -Augsut 09, 2012- Waxaa goordhow soo dhamaaday kulamo illaa caawa ka socday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa xil ka qaadis madaxweyne Shariif uu qorsheynayo inuu ku sameeyo raysul wasaaraha KMG ah C/weli Maxamed Cali Gaas oo khilaafkii ugu adkaa uu soo kala dhex galay.
Kulamadan ayaa bilawday caawa ka dib markii madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed uu ku sigtay inuu xilka ka qaado raysul wasaaraha uuna kala diro xukuumadda si uu u dhiso xukuumad shaqada sii wada mudo ku siman 12 casho oo ka harsan waqtiga doorashada. Waxaana kulamada qeyb ka ahaa Wakiilka xafiiska Qaramada Midoobay Danjire Augustine Mahiga iyo ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika Danjire Wafulu Wmunyinyi oo si dhexdhexaadin ah u soo galay arinta kadib markii madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay isku maandhaafeen arinta shaqo ka degida raysul wasaaraha.
Ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynuhu soo jeediyey in mar hadduu raysul wasaaruhu isa sharaxay oo uu cadeeyay inuu musharax madaxweyne yahay looga baahan yahay inuu xilka baneeyo si uu tartanka doorashada waqti ugu helo, isla markaana hawsha fulinta ee dawlada looga dhex saaro loolanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho. Waxaa xusid musan in labadii qoraal ee tubta qariirada “ROADMAP” ee lagu sameeyay Muqdisho iyo Addis Ababa ay sheegayaan in musharixiinta dawlada ay ka degayaan xilka haddii ay rabaan inay “isu sharaxaan tartanka ka hor waqtiga doorashada” waxaana qodobkan uu ka mid yahay qodobada uu illaa hadda ku doodayo Sheekh Shariif.
Iscasilaada raysul wasaaraha waxaa sharciyan ku xiga xukuumadda oo dhacaysa, sidaasi darteedna waxay ka dhigan tahay in madaxweynuhu magacaabo wasiiro cusub oo shaqada dawlada wada iyadoo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ay yeelanayaan awooda fulinta.
Sidoo kale waxaa la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu ku dhawaaqo kala dirista baarlamaankii hore ee u kala qeybsanaa Shariif Xasan iyo Madoobe Nuunow si fursad loogu helo sameynta baarlamaanka cusub ee hadda xulidiisa lagu guda jiro. Waxaana sharci ahaan ay tahay in baarlamaankii hore meesha ka baxo kahor intaan baarlamaanka cusub uusan fadhiisan sida ay sheegeen dad sharci yaqaan ah.
Xuseen Carab oo loo yeeray
Kulamada ka socday madaxtooyada waxaa fiidkii ku soo biiray raysul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise oo sida la sheegay laga codsaday inuu isaga la wareego xilka xafiiska wasiirka koowaad, waxaana C/weli Gaas laga codsaday inuu saacadaha soo socda isku casilo uuna toos ololihiida uga qeygalo. Xuseen Carab Ciise waxaa lagu dooranayaa labo arimoodoo waqtigan muhim ah; waa marka koowaade waa nin aad ugu dhow madaxweynaha iyo inuu yahay raysul wasaare ku xigeenka koowaad oo qaban kara xilka raysul wasaaraha haddii dani ay keento.
Warar kasoo baxaya xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas ayaa sheegaya in C/weli uu qabo in madaxweynaha iyo raysul wasaarahaba ay xilka ka wada degaan oo labaduba isla DHACAAN, maadaama madaxweynaha laftiisa uu musharax yahay, laakiin waxay dooda ka joogtaa in madaxweynaha uusan lahayn “ku xigeen”uu shaqada ku wareejiyo iyo in madaxweynuhu uusan toos ugu lug lahayn shaqada fulinta ee xukuumadda halka raysul wasaaruhu uu yahay kan gacanta ku haya hawl maalmeedka dawlada ee joogtada ah sidaa darteedna qof musharax ah ay dhici karto inuu xafiisyada dawlada uga faa’ideysto danihiisa gaarka ah.
Wasiirada xukuumada oo markii horaba u kala qeybsanaa Aala Sheekh iyo xulufada raysul wasaaraha ayaa haddana arintan ku kala qeybsan. Waxaana wasiirada qaar illaa caawa ay la joogeen raysul wasaaraha oo ay ku tirtirsiinayaan in mar haddii uu raysul wasaaraha meesha ka baxayo isaguna [C/weli] uu galaafto WADAADKA madaxweynaha ah oo ay isla dhacaan halka wasiirada qaarkoodna caawa ay ka afureen xafiiska Sheekh Shariif iyagoo aad ula dhacsan in shaqada laga fariisiyo raysul wasaaraha.
Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay ku taliyeen in kala durista baarlamaankii hore iyo shaqo ka casilida raysul wasaaraha laga dhigo maalmaha ugu dambeeya ee ka horeeya doorashada si waqtiga ka horeeya loo sii wado shaqadii dawlada oo ay masuul ka yihiin agaasimayaasha wasaaradaha, taladaasi oo aan la ogeyn in Sheekh Shariif uu aqbalsan yahay iyo in kale. Waxaana la rajeynayaa in saacadaha soo socda madaxweynuhu qaato go’aan rasmi ah oo ku aadan raysul wasaaraha iyo xukuumadda.
Sources: RBC Radio
______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
Nimanyahow, miyaynaan sakaraad iyo su’aashii qiyaame ka welwelayn? Mise duulkaa ilaah (sw) Iyo Suubane rasuulkii (scw) sheegeen ayaynu nahay ee la yidhi WAX MA ARKAAN, MA MAQLAAN WAANA WAXMAGARAD ( MA-GUDBE)
Kakanees & kakanoos