Odayaasha Beesha Daguuro oo canbaareyay habka xulista xubnaha cusub ee Baarlamanka.

Warar aanu kaheleyno  qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Daguuro ee Habar Maxamed ee Besha Murada ee kusugan mgaalada Muqdisho ayaa sheegaya in habsami usocodkii xulitaanka xubanaha cusub ee beesha uga qeyb geli lahaa xildhibaanada cusub  ay ka jirto cadaalad daro iyo falal aan habooneyn. Suldaanka iyo Odayaasha Daguuro ayaa cabasho iyo cambaareyn u diray Ugaaska Beesha, Beesha Caalamka iyo Gudigga Farsamada iyagoo sheegay in qaar kamid ah beesha ay faraha lagaleen habsami usocodkii xulista xubanaha cusub ee Baarlamaanka.

Waxgaradka iyo Odayaasha ayaa shegay in xubnihii ay soo gudbiyeen laga saaray laguna bedelay xubno cusub oo aan metelikarin raalina aysan ka aheyn Beesha Daguur.

Wax garadka iyo odayaasha beesha Daguuro  ayaa sheegay in si aan habooneyn oo an cadaalad ku dhisneyn lagu soo xulay xubnaha qaar, ayna ogeysiinayaan Waxgaradka, Odayaasha, Culimaa udiinka, Haweenka iyo Dhalinyada Beesha Murusade inaysan ku qanacsaneyn cambaareynayaana sida ay wax usocdaan.

Suldaanka iyo waxgaradka Beesha Daguuro waxay kalooy cabashaas iyo cambaareyntaas u gudbiyeen Beesha Caalamka iyo Guddiga Farsamada ee xulista Xildhibaanada Cusub.

_________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login