Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax oo ahaa labo orodyahan oo Soomaaliya uga qeybgalay tartankii orodka ee ciyaarihii Olombikada ee ka dhacay magaalada London ee wadanka UK ayaa galabta shaaca ka qaaday inay isku dhiibeen dawlada Ingiriiska.
Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax waxay arinkan galabta kacadeeyeen kadib kulan ay la yeesheen wasiirka dawlada UK u qaabilsan arimaha Afrika Henry Belingham kaasoo ka dhacay xarunta wasaaradda arimaha Afrika ee UK ee magaalada London.
Samsam iyo Maxamed ayaa si wadajir ah u sheegay in labadooda ay go’aansadeen inaysan naftoodaku noqon Soomaaliya kadib markii hanjabaado dad aan la garaneyn ay u soo direen ayna u sheegeen inay dilayaan haddii ay dalka ku laabtaan.
“Anagga waxaan go’aansanay inaan inta iska joogno ama meel amaan ah nala geeyo, waayo hadda kuma laaban karno Soomaaliya maalin dhoweyd xitaa waxa la dilay majaajileystihii Marshaale” ayuu yiri Maxamed Xasan oo ahaa wiilkii ku orday 1500Mitir magaca Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in bogiisa facebook loogu soo diray sawiradiisa oo lagu soo dul qoray CALAAMADA isku talaabta oo lools jeedo in madaxa laga toogan doono.
Sidoo kale Samsam ayaa iyaduna sheegtay in hooyadeed oo ku sugan Muqdisho ay la soo xiriireen dad aan la aqoonin ayna u sheegeen in haddii gabadheeda [Samsam] ay dalka ku laabato laga qaadi doono tallaabo ku aadan hawlaha ciyaaraha ee ay ku jirto.
“Waan ka welwelsanahay amaankeyga Soomaaliya hadda ma ahan meel aan ku laaban karno” ayey sii raacisay Samsam.
Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax waxay magangelyo weydiisteen dawlada Ingiriiska ee ay hadda martida u yihiin, waxaanacodsigan uu yimid xilli la filayey in ciyaartoydan ay dib ugu laabtaan wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen.
Illaa hadda ma cada in dawlada Ingiriiska ay aqbashay codsigan ay u soo jeediyeen labada orodyahan ee Soomaaliya uga qeybgalay tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka dhacay London sanadkan.
Kulanka maanta ka dhacay xarunta wasaaradda Afrika dawlada UK u qaabilsan ee magaalada London ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka dawlada UK u qaabilsan arimaha Afrika Henry Belingham iyo gudoomiyaha olombikada Soomaaliyeed Duraan Faarax.
Illaa hadda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo wasaaradda ciyaaraha DKMG ah oo masuul ka ahaa ciyaartoyda maanta ka dhiibtay London kama hadlin arintan. Mana ahan markii ugu horeysay oo dad Soomaali ah oo yimid Yurub ama Amerika oo isdhiibay.
_____________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize