Ciidamada DFKG iyo Al-Shabab ku dagaalamay Ceelsha Biyaha!

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Shabaab uu xalay ku dhex maray halkaas, iyadoo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Dagaalka ayaa yimid markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerareen fariisin Ciidamada dowladda ku lahaayeen Ceelasha Biyaha, kaasoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda, inkastoo aanay dhankooda sheegin wax qasaare ah oo soo gaaray.

Hase ahaatee dadka deegaanka ayaa saaka arkay Meydadka ilaa shan ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, mana jirin wax qasaare ah oo soo gaaray dadka deegaanka.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaalka uu xalay ka dhacay Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin Ceelasha Biyaha, isla markaana kooxihii soo weeraray iska caabiyeen.

Xaalada deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa saaka ah mid degan, iyadoo Ciidamo ka tirsan dowladda lagu arkay hareeraha wadooyinka iyo saldhiga Iska hor imaadka xalay uu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay faarujiyeen deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye waday weeraro dhaba gal iyo kuwo toos ah oo ay ku qaadayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanadaas.

__________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login