Gudoomiyaha Hey,ada jilaayaasha aan dowliga aheyn C/raxmaan Macail Axmed oo maanya shir jaraa id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa waxa uu kahadlay soo xulista xildhibaanada baar lamaanka soomaaliya .
Wuxuu sheegay in Raod-Mapku uu soo gaaray meel gabagaba ah islamarkaana ay socdaan soo xulitaanka xubnaha baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in lahelo dad ka madaxbanaan arimaha hadda socda .
Dhanka kale waxa uu sheegay in ay ka war heleen in lakala gadanayo xubnaha baarlamaanka cusub waxaana uu sheegay xildhibaanadaasi lakala gatay inay ku adagtahay in ay soo xulaan Madaxweyne caadil ah .
Waxaa mudooyinkanba soo baxayay qeyldhaan kasoo yeereysa odayaasha dhaqanka taasi oo ku aadan qaabka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka cusub kamid noqonaya iyo in laga musuqmaasuqay xubinnimadii ay kulahaayeen baarlamaanka cusub ee soomaaliya.
Share on Facebook
![]() |
Socialize