Wasaarada Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ku dhawaaqday in la diyaariyay Ciidamo Boolis iyo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashada, iyadoo cadeysay in Ciidamadaas ay yihiin kuwo gaar ah.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa, kuwaasoo uu xusay inay isugu jiraan Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Ciidamada cusub ee Booliska AMISOM ka socda.
“Dadka musharaxiinta mas’uuliyad gaar ah amnigoioda in la sugo, in laga wada shaqeeyo amniga dadka musharaxiinta tixgelin gaar ah la siiyo, qof walba oo doonaya in madaxtinimo u tartamo xaq buu u leeyahay”ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud oo sheegay in musharaxiinta ay soo gudbiyaan meesha ay degan yihiin iyo tirada ay yihiin.
Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo qalabka sida oo si beel ahaan ula soo baxaan, taasoo uu xusay in aanay wanaagsaneyn, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Booliska AMISOM ammaankooda ay xaqiijin doonaan.
“Macno ma sameysaneyso in caruur iyo haween wadooyinka la isugu soo bixiyo, waa ognahay in qal qal amni daro ka dhalan karaan, wax ma dooranayaan ayaga, Xildhibaanada baa wax dooranaya oo dadka ka wakiil ah, musharaxiinta waxaa u sheegeyna inay ololahooda bilaabaan marka Xildhibaanada la soo doorto”ayuu yiri C/samad Macalin Maxamuud.
“Howl kale waa jirtaa, waxaa ka mid ah in hub ka dhigis laga sameynayo Ciidamada hubka ku dhex qaata, ammaankana waa la sugayaa ilaa meesha uu ka dhacayo goobaha doorashada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Maalin ka hor ayay aheyd markii kulan ka dhacay Madaxtooyada oo ay yeesheen Gudiga Amniga qaranka ay soo saareen go’aano la xiriira ammaanka dalka, gaar ahaan sugida ammaanka musharaxiinta iyo goobaha lagu qabanayo doorashada.
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
waxaan Layaabaanahay ina macalin maxamuud ma colaad uu farmaajo uqaba ayaa cadurka haya yahay oo muuqaalka bani aadamka kan kaduwan uyeelay mise aqoon iyo siyaasinimo lagu yaqiin ayaa kahadlinaysa taas waxa ola jeeda ina macalin maaha in aqoon iyo karti ku faanikara waxa uu kuyimid waa abihii oo shariifka u olaleeya iyo alaha uraxmadee cabdishakuur oo ahaa nin qaran kana mid ahaa golihii Tayo kuwii ugu firfircoonaa. Labadaan bari sidii Siyaasiga caanka ee umada soomaaliyeed jecel yihiin ee ku caan baxay daacada,soomaalinimada,nacayb qabyaaladeed dadkuna isugu soo baxeen magaalada muqdisho dacal ka dacal waxaa la sheegay ina macalin maxamuud in daawadii uu kala tagay Canada seexin wayday MAXAT TAHAY SABABTA. waa shariif oo ugu hanjabay hadii aadan aflagaadayn farmaajo oo xoowliga shacabka aadan yarayn lacagtii aan kursiga xildhibaanimo kuugu gaday ee aadan shaqsi ahaan cabsiiye cayr kula rabin aan la noqaa.Laakiin in macalin maxamuudoow daartii kaduldhisnayd jaardheer ayaa kugu haboon in aad dugsimoodo inta aad shariif soo kuday ciridkaaga foosha xun ubaneynaysid.