FIKRAD / OPINION - Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog | Dooxajog5@hotmail.com Agoosto 12 2012
Ramadaan Kariim ,Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH)
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho la dhibaataysan dawlad la,aan , dawladdaas oo ah mid danahooda ka fakarta kana shaqaysa sidi ay dhibaatooyinka taagan xal ugu heli lahayd , dawlad-nimmada ayaa waxaa sal u ah hogaamiye leh karti iyo hab fakar ku dhisan samaan ku fakarid iyo isku howlid xalin dhibaateed , lahaansho yool cad oo lagu himagaliyo bulshada iyadda oo ay dhamaantood wadaagaan halka la higsanaayo , dhibaatona ay ku tahay halka la joogo ee baahi bini, aadameedku ku xeeran yihiin . Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muddo nus qarni sii cagcagaynaysa ku jira xaalad qalalaase iyo qasnaan ah meel kasta oo ay jamhuuriyadda Soomaaliya ka joogaan , Baahida ay bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatasayni u qabaan xakuumad rasmi ah oo u adeegta waa mid xili kasta taagan , balse awood umalahan dadka Soomaaliyeed xiligaan inay iyaggu dooraan hogaamiyaha xal arag noqon kara halkaan taaganahayna naga tukubin kara .
Intaasu waa baahida aan qabno sidaan arko ee ah dawlad uu hago hogaamiye karti leh in aan u baahi qabno si uu dhibaatada xalkeeda u doono ,Hadaba annigu sidaan qabo Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara , iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshadaoomaaliyeed ? Tan iyo marki uu xilka R/wasaare-nimmo ee DKMG qabtay Farmaajo waxaa dhacay isbadal , Isabadalkaas ayaa waxaa kow ka ah sida aan qabo Farmaajo waxa uu la yimi himagalin aan hogaamiye ka horeeyaa keenin inti burburka lagu jiray , himagalintaas ayaa ah in uu Bulshada Soomaaliyeed ku himagaliyay inay ka gudbi karaan xalaadaan loona baahan yahay in ay bulshada ka timaado ajiibidin yoolka cad ee lagu himagalinaayo , Waxa kaleeto oo uu Farmaajo la yimi la xisaabtanka cad ee kooxda qaramada Midoobay haday ahaan lahayd xafiis siyaasadeeedkooda Soomaaliya iyo haday ahaan lahayd hay,addo deeq bixiyayaashooda , Mushahar siinta Ciidmada DKGM iyo shaqaalaha dawlada ayaa ahayd iyadduna howl aad logu riyaaqay.
Farmaajo ayaa waxa uu leeyahay in uu kasbado dadka waxa uu inta badan sameeyaa hadalo qofku u riyaaqaayo soona jiidanaaya , waxaa ka mid ah in aan isku filanahay baahideenana xalkeedu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed , tanu waa mid cadaynaysa in Farmaajo garanaayo cidda dhibaataysani in ay xalka garan karto , balse waxaa ayaan daro ah dadka qaybtood waxay la soo boodaan UN-ka ayuu ka hor yimi , Maxaan annigu isbarbardhig ugu samaynayaa Farmaajo oo leh midnimadeena ayaa ah isbadalkeena iyo UN-ka oo Galay inoo keena , Balse fikirka qofka leh UN-ka ayuu la dagalamayaa , Baaqa Farmaajo ee wadaniyada iyo isgarabsiga ku dheehan iyo Galayda UN-ka midna waxba iskama waydiine , Xanuunki dhimirka waxyeeleeyay ayaa ka hortaagan iswaydiintaas oo waxa uu Farmaajo u yahay mid kuwaas ka tirsan waa dhuminta Soomalinimada taasu iyo in uusan inna hogaamin , Hogaamiye Siyasadeed Karti leh.
Arinkan ah soo noolaynta damiir bulsheedka Soomaaliyeed ayaa ah midka keenay in dad badan oo Soomaaliyeed taageeraan Farmaajo una arkaan hogaamiye karti leh , ahna mid xal ka keeni kara dhibaatooyinka innagu hareeraysan ee tirada badan balse tirabadnaantooda hogaamiye sida Farmaajo ahi xal ka keeni karo ishaysiga Siyaasadeedna uu meesha ka saari karo , ma ahan in dhamaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ku laran qabyaaladda mar laga wada baxaayo balse waa mid talaabo talaabo looga gudbaayo , aan dul istaago jawaab ka bixinta su,aasha ka timi cinwaanka qormadayda .
Iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye Siyaasadeedka Bulshada Soomaaliyeed ?
Sidaan kor ku xusay Farmaajo waxa uu la yimi isbadal , isbadalkaas uu muujiyay ayaa noqonaaya in uu buuxiyay kaalinta banaanayd ee hogaamiye la,aanta ahayd ee aan la ildarayn dhibaatadeenana halka xalkeedu yahay ah , haddaan horay u aragnay in uu yahay Hogaamiye ka badalan kuwi hore waxaan oran karaa waa midka haabida hadda taagana ee aan hogaamiye u qabno buuxin kara , Waxaa aynuna ka naawili karaa Farmaajo innaga oo haysana tusalihiisi hore ee wax qabad in uu xal u raadin karo dhibaatooyinka taagan ee siyaasadeed ee dhinacyada badan leh . Tusaale si aan Farmaajo u ogaano buuxinta hogaamiye isbadal doon in uu yahay waxaan soo qaadanayna iswaydiimo muhiim u ah in aan ku kala ogaano hogaamiye kiisa kartida leh iyo midkiisa iska jeclaaday helida magaca Hogaamiye Siyaasadeed ,Marka hore waxaynu u baahanahay in aynu iswaydiino Siyaaasadu waa maxay ? jawaabteeda aragdiyada waa maraynta iyo xal u helida baahi bini aadameedka joogtaysan ee mid marka laga gudbo mid kale imaanayso , si looga gudbo baahiyada ku hareeraysan nolosha aadamaha ayaa loo baahan yahay barbaarin bulsheed , barbaarin bulsheedka waxaa keeni kara Siyaasada oo noqonaysa halka looga fakaraayo bulshada laguna hima galinaayo hab fakar siyaasadeed ku dhisan samaan ku hogaamin dhigeeda waxaa ah xumaan ku hogaamin oo salkeedu yahay burbur iyo dib u dhac.
Waxaa innoogu xigaaya Siyaasada yaa wada ? Siyaasada waxaa wadaheeda noqonaaya hogaamiye siyaasadeed leh karti iyo daacadnimo iyo in uu aminsan yahay mid bulshada u adeegaaya in uu yahay sadkiisuna noqonaayo xusid taariikheedka oo samaan lagu xasuusto , dhigiisa waxaa jira hogaamiye siyaasadeed aan lahayn karti iyo daacadnimo una fakaraaya si hoose u fakar aan marnaba laga naawili karin wanaag .
Haddaba hadaan iri siyaasadu waa xal u helida baahida saw ma haysano dhibaato taagnayd oo uu xaliyay Farmaajo tusaale waxa uu himagliyay ciidamada DKMG himagalintaas ayaa qayb ka ah xalin baahiyeed maadama ciidan loo baahan yahay in la qoro ciidamo kaliyi kuma filaanayso in ay ciidan jira noqdaan balse kor u qaadida iyo ku dhiirinta ciidan-nimaddoda ayaa ah Siyaasad , Siyaasadaas ayaa ah mid uu samaanteeda yeelanaayo hogaamiyaha leh awoodaas ayna aragtidiisa ka soo maaxato , Sidoo kale in uu yahay Siyaasad hogaamiye Bulsheed waxaa inoo cadaynaaya in uu qabtay howl uu ku kasbaday qalbiyada dadka Soomaaliyeed qaybtood , in ay jiraan dad diidan waa mid dhacaysa balse diidmada qofka diidan ayaa inta badan noqonaysa xaaladda dhibaato ee qofkaasu la nool yahay dawadeenada uu sido hogaamiyaha xanuun maskaxeedkiisu diidaayo.
Hogaamin Siyaasadeedka ma ahan mid shakhsiga kaliyi yeelanaayo samaaanteeda balse waxaa jiraaya koox howleed ay isleeyihiin hogaamiyaha oo uu isaggu keeno, kartida hogaamiyaha ayay qayb ka noqonaysaa in uu soo xusho koox leh bah fakar wanaagsan ayna hogaamiyahaas isla meel marin karaan xal u helida dhibaatada . arinkaan ayaa oran karaa waa tusaale kale oo Farmaajo waxa uu soo xulay xiligi uu R/wasaaraha ahaa Wasiiro tayo leh , taas ayaa n noqonaysa in aynu haysano in Farmaajo haddi uu dalka Soomaaliya hogaamiyo uu noqonaayo mid Soo xusha R/wasaare tayo leh , R/wasaarahaasuna keeno wasiiro howshooda yaqaan bah fakarkooduna sareeyo. Aqriste ma ahan in Farmaajo haddu madaxwayne noqdo dhibaatooyinka aad aragto oo dhami ay isla markaas xal helayaan , taasuna maba ah mid macquul ah in dhibku mar suulo , balse waxaa uu noqonayaa Farmaajo haddi uu ku guulaysto xilka madaxwayne-nimo mid qaada dariiq aan horay loo qaadin ee ah in dhibaatooyinka qaybtood la xaliyo , halkaasna aan u dareero halka qofkasta oo bini aadami jecel yahay ee ah in aan horumar ka gaaro hab nololeedka dunida kuna xiraano gudashada awaamiirta Alle [SW] si aan abaal wanaagsan u dhowro Akhiro.
Farmaajo in uu ina hogaamiyo ma keenayso rabitaanka aan raboonay anniga oo qalinka gadaashiisa haya si aan aragtidayna idinla wadaago saamayna isugu yeelano iyo dad badan oo Soomaaliyeed ee muujiyay in rabitaankooda hogaamiye uu Farmaajo yahay , Balse taladu waxay agtaal xildhibaanada dhowaan la shaacinaayo ee lagu soo xulay habka xaaranta ah ee 4.5 , xildhibaankaas ayaan leeyahay annigu si adigu sidaad ku timi ee ah awoodqaybsiga Soomaalida ee qabyaaladeed meesha uga baxdo codkaaga sii Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , oo waxaad qiimaysaa Xildhibaane rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , markaan leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Farmaajo badanka dadka Soomaaliyeed waa rabaan , rabitaanku waxa uu noqonayaa hogaamiye daacadnimo iyo karti leh ma rabnaa dhamaan waxaynu kaga jawaabaynaa haa, qof kale in aad u aragto hogaamiye karti leh doodeeda ayay yeelan iyo sidaas u sifayso , waana jiri karaa hogaamiye kale oo Farmaajo la mid ah , Balse horay saaxada mid u yimi ma ahan aragtidayda oo aan tusalayaal u hayno .
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaan isagga laga rabaa in uu dadaal dheer u galo sidi uu u heli lahaa badanka xildhibaanada Soomaaliya codkooda , dabcan howshaan sheegideeda ayaa noqotay mid aanan ka fursan karin madaamada aan xildhibaanada imaan doona la hadlay Farmaajona la hadalkiisu waa banaan yahay waxayna noqonaysaa mid aan leeyahay Shacabki hadaan nahay codka ma hayno ee dadaal u galo si laguu doorto , balse waa howl shakhsi han siyaasadeed leh u qabanaayo inti awoodiisa ah uusana is-hagranayn .
Waxaan ku soo idlayn qormadayda hadaynu nahay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada waxaa meesha ka saari kara hogaamiyeyaal karto leh daacadnimo iyo naxariisna ay ku dheehan tahay , si aynu u ogaano midka uu yahay waa in iswaydiinteena ku aadan waxa aynu u baahanahay ay badataa , waa in aad iswaydiisa maxuu hogaamiye siyaasadeed anniga ila mid ah oo u fakaraaya sidaan u fakaraayo si ka hoosaysa oo bulshada kala guraaya uu hab fakarkayga u gumaysanayaa , sidaan u taageeri kara mid wax kasta oo uu samayn karo ku doona xilka tusaale dad dilid , diin ka been sheegid , Waa in aan iswaydiinaa dhibaatada Soomaaliya ee dawlad la,aantu keentay ma mid dhamaanteen aan qabnaa mise cid dhibka ku dheefsataa jirta ? dabcan ma jirto dadka ku dhaqan jamhuuriyada Soomaaliya meel kasta ha joogeene dad haysta waxa ugu wanaagsan ee aan dhuminay ee ah Sumcad , Sumcada ayaa noqonaysa mid farxad galisa qalbiyada dadka diidmo ka keenideeduna bini aadamka waa wax aad ugu yar waa qofki iswaydiiyee .
Qofna haku taageerin koox odayeednimo ah aragti jaahiliyeed aan asal ku lahayn Diinta islaamka iyo caqliga saliimka ah ee ku taageer sida u la soo muuqdo , balse waa si aad uga marka hore iswaydiisaa maxaad u baahan tahay adigu ? Maxaa hogaamiye kaa dhigay oo aad uga fakaraysaa siyaasad aad shacab ka tahay uguna ololaynaysaa xaalad hoose oo ah mida keentay in aad dhibaatadaan ku dhex noolaato ah dalkaagi oo burbursan dadkaagi oo aan Sumcad lahayn qaybtoodna aysanba haysan wax aycunaan iyo hoy ay qabowga iyo kulayla ka dugsadaan.
Dhibkeena xalkiisu waa hogaamiye karti leh ee caqligaaga tuuji taageeradaadana sii hogaamiye daacadnimo iyo damqasho leh , midnimadeenu waa horumar ku talaabsashadeena , in aan badankeenu taageero hogaamiye ayaynaan koox odayeednimo ku eegan ayaa ah in aynu tallo wanaagsan ku midawnay .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog Dooxajog5@hotmail.com
_______________________________________________________________
Share on Facebook
Koonfurta Gaalkacayo oo lagu dialy qof rayid ah
BREAKING NEWS.. Howlgal ka soconaya Suuqa Bakaarah...
Kulan taageero ah musharax C/raxmaan baadiyow
War Saxaafadeed Kasoo Baxay Haweenka Soomaaliyeed
Alshabaab oo kordhisay weerarada xilliyada habeenk...
Ujeeddo: Cabasho laaluush ku xiran Xildhibaanimade...
Ina Yeey Nin Qaran, Dr. C/casiis Danbiile, Xaq maa...
Wareega Sadexaad ee Doorashada
Maxay doonayaan kuwa Weriyeyaasha dilaya?!!
Wararkii ugu danbeeyay dagaalo ka socda deegaano h...
Khabiirka dhigaya cows-ka Artifishalka Stadium Ban...
Siyaasada Kenya & Qoxootiga Soomaalida!!!!
![]()
|
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |


Socialize