Dabley Hubeysan ayaa maanta siyaabo kala duwan dil ugu geystay Labo ruux, iyadoo mid ka mid ah uu ahaa Mas’uul ka tirsanaa Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.
Sida ay sheegayaan wararka Dableyda Hubeysan ayaa dilay Kuxigeenkii dhinaca ammaanka u qaabilsanaa Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo lagu magacaabi jiray Maxamed Raage.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan marka la dilay ay dableyda Hubeysneyd ka qaateen lacag dhan 40-kun Doolarka Mareykanka oo uu watay.
Dilkan ayaa dableyda geystay goobta ka baxsaday markii ay ka qaateen lacagaha uu siday, iyadoo mar dambe meydkiisa laga soo qaaday goobta.
Sidoo kale duhurnimadii maanta ayaa Kooxo Hubeysan ay ku dileen Sarifyaraha Suuqa Bakaaraha qof la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan dowladda.
Kooxaha dilka u geystay ninka lagu sheegay askari ayaa waxay ka qaateen Bastoolad uu sitay, iyagoo goobta ka baxsaday.
Dilalkan ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa qeyb ka ah dilal horay uga dhacay suuqa iyo dhac loo geystay qaar ka mid ah Shirkadaha ka howl gala halkaas, iyadoo ammaanka Suuqa Bakaaraha ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.
Saaka ayay aheyd markii Kooxo Hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeenley Yuusuf Cali Farey oo ahaa Wariye Rug cadaa ah oo ka howl geli jiray Radio Muqdisho, hase ahaatee ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Wasaarada Warfaafinta.
_____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize