Ethiopian: Baladweyne haweeneey lagu kufsaday

Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay magaaladaasi ka geesteen kufsi ay kula dhaqaaqeen haween Soomaaliyeed.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cabdulle oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya xalay kaliya ay kufsadeen ilaa saddex haween ah kuwaasi oo ku sugnaa xero ay ku sugan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala dhanka galbeed ee Magaalada Beladwayne.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka taasina ay usii dheer tahay kufsi bareer cad ah oo ay ugeestaan haweenka ku sugan Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.

Axmed Xasan Cali oo kamid ah waxgaradka Magaalada Beladweyne ayaa sidoo kale sheegay inay ka codsanayaan dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatada ciidamada Itoobiya ay ugeestaan haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Beladweyne.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dhibaato xun ku hayaan shacabka reer Beladweyne islamarkaana wadooyinka ay xiraan taasina ay ku baaqayaan in si deg deg ah dowladda wax uga qabato.

Sheekh C/raxmaan Sheekh Cabdulle ayaa dhankiisa ugu dambeyn sheegay in Magaalada Beladweyne nolol wanaagsan aysan ka jirin islamarkaana dhibaato ay ka taagan tahay sida uu sheegay maadaama ciidamada Itoobiya ay guryaha toos ugu galayaan haweenka dabadeedna ay kufasadaan.

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray in hadii dhibaatada ka jirta Magaalada Beladweyne wax laga qaban waayo ay imaanayso kacdoon dadweyne oo shacabka ay ka dhiidhiyaan dhibaatada loo geesto.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Beladweyne ayaa dhibaatooyin kala duwan waxa ay ugeestaan shacabka ku nool Magaaladaasi,waxaana dhibaatooyinkaasi kamid ah in xilliyada qaar ay xiraan wadooyinka iyo sidoo kale marka qarax lala eegto inay xabsiga utaxaabaan dhalinyaro badan.

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.