Raysal wasaarihii hore ee soomalia Maxamed C.laahi farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo baxay dowlada KMG ah kaas oo ahaa in musharixiinta laga dalbanayo in aysan qoran ciidamo u gaar ah hayeeshee ay dowlada waydiistaan in la sugo amaankooda dowladuna ay diytaar u tahay sugida amaanka musharixiinta..
Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in hadalkaaasi uu yahay mid aan wax soo kordhineyn dowladuna aysan hada diyaar u ahayn sugida amaanka musharixiinta loona baahan yahay in musharixiintu ay sugaan amaankooda .
Musharaxa madax waynaha soomalia Maxamed C.laahi maxamed {farmaajo } ayaa waxaa uu dowlada ugu baaqay in ay marka hore sugto amniga guud ee bulshada soomaliyeed ee ay masuulka ka tahay markaa ka dibna ay suura gal tahay in amaanka musharixiinta sugto .
Dhawaan ayaahadal ay si wada jir ah u soo saareen masuuliyiinta dowlada gaar ahaan gudiga amniga qaranka waxaa ay uga digen musharixiinta in ay adeegsadaan ciidanka dowlada oo ay ilaalo u qortaan ayana ay sugi doonto amaanka musharax walba oo ka dalba in amaankiisa la sugo .
__________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login