Kismaayo oo weli duqeyni kusocoto

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Markab dagaal xalay fiidkii uu dhowr madaafiic ku garaacay qeybo ka mid ah Xaafadaha magaalada, iyadoo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Sida ay sheegayaan wararka duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Markabka dagaalka ku soo dhowaaday xeebta, kadibna qoriga Lidka diyaaradaha lagaga ganayay dhinaca Dekeda.

Inta la og yahay afar ruux ayaa ku dhimatay oo ay ku jireen labo ruux oo walaalo ah, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana duqeynta aheyd mid is-daba joog ah oo madaafiicda ay ugu dhaceysay Xaafadaha.

Dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saameyn ay ku yeelatay duqeynta, xilligii taraawiixda lagu jiray, iyagoo saaka qaba cabsi kale oo ah in la duqeeyo magaalada.

Markabka dagaal ee duqeeyay Kismaayo ayaan la ogeyn dalka laga lahaa, inkastoo dhowaan dowladda Kenya ay sheegatay inay ka dambeysay duqeyn Maraakiibteeda u geysteen magaalada.

Ciidamada huwanta ayaa dhowr jiho doonaya inay ka weeraraan magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, iyadoo sarkaal u hadlay dowladda uu sheegay in dhanka Badda iyo Bariga ka wajahan yihiin.

_________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.